Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la dheelay kulamadii 20aad, waxaana farxad weyn ku jirta Arsenal oo siddeed dhibcood oo nadiif ah hoggaanka ku haysa, laakiin lixda ciyaarood ee soo socda ayaa ah kuwo xaasaasi ah oo uu isbeddel badana dhici karo.
Manchester United oo si weyn usoo kacaysay kulamadii ugu dambeeyey, soona gashay kaalinta saddexaad oo ay hal dhibic oo kaliya ka horreyso Manchester City ayaa imtixaan adag ku noqon doonta Arsenal oo ay Axadda ku ballansan yihiin kulan si weyn loo sugayo.
Tottenhama ayaase wax sii beddeli karta inta aan la gaadhin Axadda marka ay Khamiista iska hor yimaaddaan Manchester City oo ay kulankoodii baaqiga ahaa foodda isku darayaan. Antonio Conte way ku adkaan doontaa inuu guul-darraysto iyadoo Axaddii ay Arsenal ku garaacday Garoonkiisa. Man City ayaa lumin doonta kaalinta labaad haddii ay iska celin weydo Spurs, waxaana kaga sii daran in ay mar kale isku noqon doonaan maalmo gudahood labadan kooxood.
Liverpool oo uu waqtigu ku adag yahay waxay toddobaadka dambe martigelin doontaa Chelsea ay isku dhibco yihiin, kuna kala jiraan kaalmaha sagaalaad iyo tobnaad.
Haddaba kooxdee ayuu imtixaanka adag sugayaa marka la isku eego min lixda ciyaarood ee ugu soo horreeya kooxaha waaweyn ee Arsenal, Man City, Man United, Newcastle, Tottenham, Liverpool iyo Chelsea?
Akhriste adiga ayaanu kuu dhaafnay in aad qiimayntan samayso oo aad nala wadaagto kooxda kulamada ugu adag kusoo aaddan yihiin.
Arsenal – 1aad (47 dhibcood)
- Manchester United (H) – January 22
- Everton (A) – February 4
- Brentford (H) – February 11
- Manchester City (H) – February 15
- Aston Villa (A) – February 18
- Leicester City (A) – February 25
Manchester City – 2aad (39 dhibcood)
- Tottenham Hotspur (H) – January 19
- Wolves (H) – January 22
- Tottenham Hotspur (A) – February 5
- Aston Villa (H) – February 12
- Arsenal (A) – February 15
- Nottingham Forest (A) – February 18
-
Manchester United – 3rd (38 dhibcood)
- Crystal Palace (A) – January 18
- Arsenal (A) – January 22
- Crystal Palace (H) – February 4
- Leeds United (A) – February 12
- Leicester City (H) – February 19
- Brentford (H) – February 26
Newcastle United – 4th (35 dhibcood)
- Fulham (H) – January 15
- Crystal Palace (A) – January 21
- West Ham United (H) – February 4
- Bournemouth (A) – February 11
- Liverpool (H) – February 18
- Brighton (H) – February 25
Tottenham Hotspur – 5th (33 dhibcood)
- Manchester City (A) – January 19
- Fulham (A) – January 23
- Manchester City (H) – February 5
- Leicester City (A) – February 11
- West Ham (H) – February 19
-
Liverpool – 9th (28 dhibcood)
- Chelsea (H) – January 21
- Wolves (A) – February 4
- Everton (H) – February 13
- Newcastle United (A) – February 18
- Crystal Palace (A) – February 25
- Manchester United (H) – March 4
Chelsea – 10th (25 dhibcood)
- Liverpool (A) – January 21
- Fulham (H) – February 3
- West Ham United (A) – February 11
- Southampton (H) – February 18
- Tottenham (A) – February 26
- Leeds United (H) – March 4
Sual united iyo Newcastle yàa horeya
Waxa dhib heli doontaa arsenal iyo Liverpool