Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

ISBARBAR-DHIG: Jude Bellingham vs Gavi – Mucjisooyinka Koobka Adduunka & Rikoodhada Loo Diiwaangeliyey

by Abdiwahab Ahmed
November 24, 2022
3
ISBARBAR-DHIG: Jude Bellingham vs Gavi – Mucjisooyinka Koobka Adduunka & Rikoodhada Loo Diiwaangeliyey

Koobka Adduunku waxa uu u shidan yahay oo wacdaro ka dhigay illaa hadda labada ciyaartoy ee da’yarta ah ee Jude Bellingham iyo Gavi oo u kala ciyaara England iyo Spain. Labadooduba waxay dhaliyeen goolal, sidoo kalena waxa looga diiwaangeliyey taariikho cajiib ah.

ADVERTISEMENT

Jude Bellingham oo ay da’diisu tahay 19 jir, waxa uu xulka qaranka England u dhaliyey goolka  koowaad kulankii ay 6-2 ku xasuuqeen Iran Isniintii, isaga oo madax ku dhaliyey kubbad uu usoo dhiibay Luke Shaw.

Sidoo kale, Gavi oo ah wiilka sannadkan ugu wanaagsan da’yarta dunida ee dhowaanta la guddoonsiiyey abaal-marinta ‘Golden Boy 2022’, waxa uu wacdaro ka dhigay ciyaartii uu xalay xulka qaranka Spain 7-0 ku xasuuqay Costa Rica, iyadoo uu waliba dhaliyey gool qurux badan.

Gavi Bellingham

ADVERTISEMENT

Labadan guulood ee ay gaadheen England iyo Spain waxa door weyn ku lahaa labadan da’yar oo rikoodho cajiib ah loo diiwaan-geliyey, sida hal-abuurka iyo taariikhda ay ku galeen goolasha ay dhaliyeen.

Sidoo Kale Akhri

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

February 7, 2023
WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

February 7, 2023

Jude Bellingham waxay shaqadiisu u badnayd khadka dhexe, gaar ahaan kubbad burburinta isaga oo dhamaystiray 92 kubbadood, waxaanu aad uga fiicnaa Gavi oo dhamaystiray 66 baas, taas oo ka dhigan in uu laacibka reer England 96 boqolkiiba saxay kubbadihii lugtiisa soo galay.

Waxa kale oo uu Jude Bellingham muujiyey hammuun uu u qabo inuu qabto shaqooyinka dhibka badan ee kubbad-dilista, waxaanu soo difaacay saddex kubbadood oo uu waliba ku qabtay taakal, halka Gavi aanu kulankiisii koowaad ee Koobka Adduunka samaynin wax taakal ah.

Bellingham waxa kale oo uu sameeyey laba goysmo oo wanaagsan oo uu kubadda kula dhaafay ciyaartoydii kasoo horjeedday, kaddibna ula dhaqaaqay dhinaca goolka Iran, taas beddelkeedana Gavi ma aanu samaynin wax goysmo ah ciyaartii ay 7-0 ku xasuuqeen Costa Rice.

Si kastaba, Jude Bellingham waxa uu noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee xulka England gool uga dhaliya Koobka Adduunka, halka Gavi uu isaguna noqday ciyaartoygii saddexaad ee ugu da’da yaraa ee taariikhda Koobka Adduunka gool ka dhaliya.

ADVERTISEMENT
Share307Tweet192
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Arsenal ayay macquul tahay inay markale xiddig muhiim ah ka dalbato Brighton iyadoo markan diiradeedu haysyo garabka weerar ee Kaoru...

WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Saaxiibta khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frankie De Jong ayaa markeeda ka qayb qaadatay wararka jacaylkeeda sida joogtada ah...

Comments 3

  1. Dhiirane says:
    2 months ago

    Wixiiyood arkaysaad isdaba marinaysaa miyaad suuxsan tahay

    Reply
  2. Abshir says:
    2 months ago

    Warkan waxan so qorayo mu cabsanyhy war kalay xawayan miya tahay adi mise indha allaha ayad Ka wasanthy maxay tahay waxa shegayso soma aragtid waxa mesha ku qoran laxyahay

    Reply
  3. Abshir says:
    2 months ago

    Warkan waxan so qorayo mu cabsanyhy war kalay xawayan miya tahay adi mise indhaha ayad Ka wasanthy maxay tahay waxa shegayso soma aragtid waxa mesha ku qoran laxyahay

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.