Xiddiga reer Croatia ee Josko Gvardiol ayaa sheegay in wixii uu kala kulmay Lionel Messi ciyaartii xulkooda ay Argentina 3-0 ku karbaashtay, in uu la wadaagi doono carruurtiisa oo uu uga sheekayn doono.
Argentina ayaa saddex gool ka dhalisay Croatia, kuna reebtay Semi-finalka aKoobka Adduunka, balse Lionel Messi ayaa uu ahaa xiddiga ciyaartaas wacdaraha ka dhigay ee Josko Gvardiol ku ceebeeyey garoonka dhexdiisa. Iyadoo ciyaartu 2-0 tahay oo ay goolasha qaybsadeen Messi iyo Julian Alvarez ayaa uu Leo soo qaatay kubadda, waxaana uu garabka midig kusoo burburiyey Josko Gvardiol ka hor intii aanu kubadda goolka hortiisa ugu dhiibin Alvarez oo goolka saddexaad ku samirsiiyey Craotia.
Josko Gvardiol oo difaaca dhexe uga ciyaara kooxda reer Germany ee RB Leipzig, laakiin ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa intii uu socday Koobka Adduunka, isla markaana ay kooxo badan raadinayaan saxeexiisa, ayaa ka hadlay wixii kala qabsaday Lionel Messi oo uu awoodi waayey inuu joojiyo.
“Waxay ahayd khibrad wanaagsan in aan la ciyaaray isaga inkasta oo aan kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedkii horena iska hor nimid. Isagu waa nooc ka duwan ciyaartoyda kale ee kooxaha iyo xulalka qaramada. Waan ku faraxsanaa in aan la ciyaaray inkasta oo aanu guul-darraysanay.
“Waxay ii ahayd khibrad wanaagsan, maalin maalmaha ka mid ahna waxa aan uga sheekayn doonaa carruurtayda in aan ka hor tegay oo aan la ciyaaray xiddiga ugu wanaagsan taariikhda. Waxa aan qiyaasayaa in maarka dambe aanu garaaci doono isaga.”