Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Isagu Waa Musiibo…” – Luka Modric Oo Rumaysan In Cadaalad-darro Lagu Reebay Xulkiisa Croatia

by Abdiwahab Ahmed
December 14, 2022
0
“Isagu Waa Musiibo…” – Luka Modric Oo Rumaysan In Cadaalad-darro Lagu Reebay Xulkiisa Croatia

Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka  Modric ayaa weerar ku qaadaya garsoorihii xalay hayey kulankii ay kaga hadheen Koobka Adduunka ee Argentina ay ku garaacday 3-0, kaas oo uu rumaysan yahay in uu ku sameeyey caddaalad-darro weyn oo sabab u noqotay in si xun loo garaaco.

ADVERTISEMENT

Croatia oo sannadkii 2018 tagtay finalka Koobka Adduunka ayaa hadda ku hadhay semi-finalka, waxaanay iska qaban kari waayeen Julian Alvarez oo laba gool ka dhaliyey iyo Lionel Messi oo rikoodhe ku niyad-jabiyey, isla markaana burburiyey difaacooda.

Garsooraha Talyaaniga ah ee Daniel Orsato oo ciyaarta hayay ayaa Argentina u dhigay rikoodhe daqiiqaddii 32aad, kaddib markii uu goolhaye Dominic Livakovic qalad ku galay Julian Alvarez, waxaana gool u beddelay rikoodhahaas Lionel Messi.

Modric Orsato

ADVERTISEMENT

Dad badan ayaa dood ka keenay rikoodhahaas, waxaana ka mid ah halyeyga England ee Gary Neville oo sheegay in uu Alvarez ku dhacay goolhayaha oo taagan oo uu waliba lugtiisa jiidhay, waxaana sidaas oo kale rumaysan Luka Modric  oo isaguna garsooraha eedayn u jeediyey.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Modric oo la hadlayay warbaahinta TyC Sports ayaa yidhi: “Anigu ma jecli in aan ka hadlo garsooreyaasha laakiin kani waxa uu ka mid ahaa kuwii ugu liitay. Anigu xasuus fiican uma hayo, waana mid musiibo ah. Aniga aragtidayda ma ahayn rikoodhe.

“Ma doonayo in aan eedeeyo Argentina, laakiin rikoodhahaasi wuu na dilay. Hadda waa in aanu soo kabano oo aanu ku guuleysano kaalinta saddexaad.”

Messi Croatia

Luka Modric ayaa dhinaca kale qirtay in Argentina ay ka fiicnayd, waxaana uu yidhi: “Argentina xaq ayay u lahayd inay guuleysato sababtoo ah way naga fiicnayd, wayna u qalmayeen guusha laakiin waa in arrimahan [qaladka garsooraha] waa in la tilmaamo.”

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo isaguna garsoore Daniele Orsato eedaymo u jeediyey laacibka khadka dhexe uga ciyaara xulka Croatia iyo Chelsea ee Mateo Kovacic oo yidhi: “Rikoodhaha ayaa  sababay guul-darradayada.”

Share382Tweet239
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.