Xiddigaha waaweyn ee xulka qaranka Brazil ayaa doortay tababaraha ay doonayaan in loo magacaabo xulkooda, kaddib markii uu iska casilay Tite saacado kaddib markii ay Croatia wareegga siddeedda Koobka Adduunka ku reebtay rikoodheyaal.
Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay in ciyaartoyda Brazil ay ku wargeliyeen xidhiidhka kubadda cagta dalkaas tababaraha ay doonayaan oo ah ajaanib aan u dhalanin dalkooda.
Brazil ayaa la sheegay in sannadkan ay ka guurayaan dhaqankoodii taariikhiga ahaa ee in tababaraha xulkoodu uu noqdo muwaadin u dhashay Brazil, iyadoo lala xidhiidhinayo tababareyaal badan sida Pep Guardiola, Jose Mourinho, Carlo Ancelotti, Luis Enrique iyo Zinedine Zidane.
Xulka ugu guulaha badan dunida ee Brazil oo ay ugu dambaysay in Koobka Adduunka ay ku guuleystaan sannadkii 2002, ayaa waxa shantii Koob Adduun ee ugu dambeeyey kusoo jiray niyad-jab iyaga oo dhinaca kalena ku hubaysan xiddigo waaweyn, taas ayaana keentay inay tabbare ajaanib ah oo beddela falsafaddooda ciyaareed magacaabaan.
L’Equipe ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyda xulka Brazil ay doorteen tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane oo la filayay inuu beddelo Didier Deschamps laakiin ay muuqato inuu khilaaf u dhexeeyo xidhiidhka Faransiiska oo aanu qaban doonin shaqadaas, isla markaana Deschamps uu afar sanndood oo kale kordhin doono toddobaadyada soo socda.
Zidane oo Real Madrid u qaaday 11 koob oo ay ku jiraan saddex Champions League muddo afar sannadood ah uu tababare u ahaa ayaan wax shaqo ah qabanin tan iyo June 2021 oo ahayd waqtigii uu iska casilay Los Blancos.
Wargeysku ma sheegin magacyada ciyaartoyda doortay Zinedine Zidane, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay inay ku jiraan xidigihii uu kusoo layliyey Real Madrid Vinicius Junior, Casemiro, Rodrygo iyo Eder Militao oo uu wehelinayo Neymar Jr oo ixtiraam badan uu ka dhexeeyo Zidane.