Ku dhawaad dhammaan khubarada kubadda cagta England iyo jamaahiirta dalkaas ayaa si isku mid ah uga falceliyay qaabka uu tababare Gareth Southgate ula dhaqmayo kubad sameeyaha iyo garabka xulkaas ee Phil Foden.
Foden ayaan wax daqiiqado ah ka ciyaarin kulankii xalay xulkiisa England barbardhaca 0-0 ah la galay Maraykanka, xulka saddexda libaax ayaa ciyaar guud ahaaneed oo aan fiicnayn soo bandhigay.
Bedelka Foden waxa kulanka kusoo bilawday xiddigaha uu Southgate doorbidayo ee Sterling, Saka iyo Mount halka Grealish iyo Rashford bedelka kaga soo hormareen.
Shaqsiyaadka falcelinta ka sameeyay ayay kamid yihiin Gary Neville, Roy Keane iyo Ian Wright oo ITV ka hadlayay iyagoo si isku mid ah u sheegay inuu kulanku u baahnaa.
Neville ayaa yidhi “Mararka qaar khadkayaga dhexe uma muuqan mid dhaqaaqaya, waxaanu u muuqanay kuwo daalan uma malaynayo inaanu ka xidhiidhsanayn meelaha isku dhafyada khadka dhexe, waxaan filayay in khadkooda dhexe aad nooga fiicnaa waxaanan ka niyad jabsanaa in aanan arag Foden”.
“Foden inuusan kusoo bilaaban waa ceeb, isagu waa hibada ugu fiican ee dalkani leeyahay”.
Roy Keane ayaa isaguna yidhi “Waanu la yaabanayn inaanu daawanay (Foden oo aan soo galayn) Dabcan Gareth sababihiisa ayuu qabaa, dabcan isagu waa tababaraha oo ciyaartoyda isagaa uga aqoon badan dadka kale balse dhammaantayo waanu la yaabanayn inaanu daawano kulanka oo sheegaya inaad filato in Foden soo galayo”.
Wright ayaa isaguna yidhi “Man City marka la joogo isagu (Foden) wuu la tacaalaa kooxaha difaaca galaya, waa mdi la qabsaday inuu raadiyo ban-banaanada iyo baaska isku dhiibashada ah marka uu City joogo”.