Katia Aveiro oo ay walaalo yihiin Cristiano Ronaldo ayaa sheegtay inay dhibaatooyin badan ku dhax jiraan, waxaanay ka dalbatay walaalkeed in uu iskaga tago xulka Portugal ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka kaddib markii kaydka la dhigay ciyaartii Switzerland.
Maanta gellinkii hore ayay warbaahinta Portugal sheegeen in Ronaldo uu iskaga tegayo xulka oo aanu u ciyaari doonin kulamada ka hadhsan Koobka Adduunka, balse xidhiidhka kubadda cagta Portugal ayaa war-saxaafadeed uu duhurkii soo saaray ku sheegay in aanu CR7 ka tegayn xulka waqtigan.
Cristiano Ronaldo oo ay isku dhaceen tababare Fernando Santos oo fadhiisiyey ciyaartii Switzerland, waxa la sheegay in ay laacibkan ku wada-hadleen qolka labbiska oo uu ku hanjabay inuu iskaga tegayo xulka iyo dalka Qatar ee uu ka socdo Koobka Adduunka.
Aveiro oo ay walaalo yihiin Ronaldo ayaa iyaduna waxa qoraal ay ku daabacday barteeda Instagram waxay kaga codsatay walaalkeed inuu iskaga tago xulka Portugal iyadoo sheegtay inay la kulmeen dhibaatooyin ku filan oo aanay kusii jiri karayn xaaladdan.
“Portugal way guuleysatay. Allah ayaa mahad leh. Miyaanu ku guuleysanaynaa Koobka Adduunka? Sidaas ayaan rumaysanahay.” Ayey Aveiro ku bilowday qoraalkeeda.
Waxay kusii dartay: “Laakiin garoonka dhaxdiisa waxay ku qayliyeen Ronaldo, sababtuna ma ahayn in Portugal guuleysanayey. Aad ayaan u murugaysanahay in aan akhriyey oo maqlay, kaliya Qatar ma aha laakiin in dalkaygu yahay dalkiisa… Aad ayay ii dhibaysaa oo aan uga murugaysanahay.
“Run ahaantii waxa aan doonayaa in uu dalka kusoo laabto, inuu iskaga tago xulka qaranka oo uu anaga garabkayaga fadhiyo oo aanu xabbadka gelino.”