Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Inkaarta Liverpool Heysata Oo Weli Socota Iyo Jurgen Klopp Oo Deyriyay

by Saed Mohamed
December 11, 2022
0
“Masii Joogayo” – Liverpool Oo Shaqada Ka Caydhinaysa Jurgen Klopp

Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa Liverpool ay dharbaaxo wajiga kaga dhacday ka dib markii uu Luis Diaz mar kale dhaawacmay.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Colombia ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar ka dib dhaawac ka soo gaaray jilibka kulankii ay guuldarada kala kulmeen Arsenal.

Wuxuu tababarka ku soo laabtay horaantii todobaadkan ka dib markii ay Reds u safartay Dubai halkaasoo ay uga qeyb galeyso koob saaxiibtinimo.

Si kastaba, waxaa la xaqiijiyay in xiddigii hore ee FC Porto Diaz inuu mar kale dhaawacmay islamarkaana dib loogu celiyay Ingariiska si loo baaro dhaawaciisa.

ADVERTISEMENT

Jurgen Klopp oo maanta la hadlayay warbaahinta ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 3-1 ka soo gaartay Lyon ayaa sheegay in nasiib xumada kooxdiisa ay weli socoto.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wuxuu yiri: “Haa, Diaz kuma jiro xaaladii ugu fiicneyd. Way iska cadahay inay niyadjab weyn inoo tahay anaga iyo isagaba.

“Wax dhaawacay ma jirin tababarka kaliya wuxuu dareemay xanuun. Maalintii ku xigtay ma uusan fiicneyn laakiin wuxuu rabay inuu taxadar muujiyo oo la baaro xanuunkiisa, ka dib waxaa soo baxay war dharbaaxo nagu noqday.”

Inkaarta dhaawacyada Liverpool waxaa sii kordhiyay da’ yarka khadka dhexe Harvey Elliot oo isna dhaawac ku baxay kulankii maanta ee ay guuldarada ka soo gaartay Lyon.

Klopp ayaa rajeynaya in xiddigaha ka dhaawacan ay u soo wada laabteen marka xilli ciyaareedka maxaliga uu dib u bilowdo.

ADVERTISEMENT

Liverpool waxay la ciyaari doontaa Manchester City koobka Carabao Cup ka dib marka laga soo laabto Koobka Adduunka halka kulankooda ugu horeeya ee Premier League ay la dheeli doonaan Aston Villa maalinta Boxing Day.

Share320Tweet200
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.