Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay Arsenal ka afduubto xiddig kale oo uu doonayo in uu la saxeexdo Mikel Arteta toddobaad kaddib markii ay Blues si lama filaan ah uga hor qaadday Arsenal xiddiga reer Ukraine ee Mykhailo Mudryk.
Arsenal ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay Mudryk balse si lama filaan ah ayay Chelsea uga hor qaadday, waxaana kasii horreeyey Joao Felix oo iyadoo laga sugayo Emirates Stadium, taas oo ka dhigan in laba ciyaartoy oo ay Arsenal doonaysay ay Blues ka hor qaadday.
Kooxda tababare Graham Potter oo kaalinta tobnaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa waxay hadda u dhaqaaqday ciyaartoygii saddexaad ee ay ka afduubanayso Arsenal, waxaana haddii ay dhabowdo ay taageereyaasha Gunners ku noqon doontaa arrin ay rumaysan waayayaan.
Sida uu qoray wargeyska Mirror, Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab culus oo ay ka gudbinayso xiddiga kooxda Brighton ay isku dhacsan yihiin ee Trossard oo ay sidoo kale ay doonayso Arsenal oo la sheegay inay hawlgalkiisa bilowday markii ay weyday Joao Felix iyo Maykhailo Mudryk.
Trossard oo uu tababare Roberto De Zerbi ka saaray liiska ciyaartoydiisa markii uu si aan habboonayn u dhaqmay ayay Brighton ku iibinaysaa £25 milyan oo Gini, waxaana iyadoo Arsenal aan wali xaqiijinin saxeexiisa mar kale si dardar ah kusoo gashay Chelsea oo doonaysa inay ka hor qaaddo.