Xulka qaranka France ayaa gool waqti hore ah kaga naxsaday Ingiriiska, kaas oo uu dhaliyey kubbad-burburiyaha Real Madrid ee Aurelien Tchouameni oo bannaanka ka toogtay kubbad uu goolhaye Jordan Pickford awoodi waayey in uu badbaadiyo.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa uu qabsaday goolkan, waxaanay sheegeen in dalkooda lagu samaynayo caddaalad-darro badheedh ah, sidoo kalena la duusiyo xuquuqdii uu lahaa kabtankooda Harry Kane oo qaybta hore laga diiday rikoodhe ay sheegeen inuu xaq u lahaa.
Lee Dixon iyo Peter Walton oo ka hadlayay telefishanka Ingiriiska ee ITV, ayaa waxay sheegeen, in VAR ay samaysay qalad weyn oo ay siisay Faransiiska gool caddaalad darro ah, kaddib markii kubadda oo laga soo xoogay Bukayo Saka ay u tagtay Tchouameni oo isaguna goolka ku toogtay.
Dixon oo difaaca uga ciyaair jiray Arsenal ayaa sheegay, in garsooraha reer Brazil ee Wilton Sampaio oo ciyaarta hayay ay ahayd in uu eego qaladka halka uu kaliya kala socday ciyaarta iyo goolka oo uu degdeg u ansixiyey, kaas oo VAR ay sidoo kale u ansixiyey inuu sax yahay oo aanay muran ka keenin.
Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Walton ayaa isaguna ku dooday in ay qalad ahayd in goolka Faransiiska la ansixiyo sababtoo ah waxa qalad lagu galay Bukayo Saka, waa sida uu ku dooday Walton.
Dhinaca kale, warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in rikoodhe caddaan ah laga diiday xulka qarankooda England markii uu Harry Kane ku dhacay xerada ganaaxa isaga oo jallaafo kala kulmay Dayot Upamecano.
Rigoore kale mayba u ciil qabaan, kuwaan iyagaa is khasaariyee yeysan cidna eersanin
Harry kane ayaa reebay ingiriska waxay ahayd rigoraha dambe inu ciyarayahan kale ku warejiyo wayo kane rigoore ma yaqan ilahyba ugu begay ki horana