Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“In Badan Ayaan Cabbay, Waxba Ma Cunayn… Leo Ayaa Cadhooday Oo Igu Yidhi…”

by Abdiwahab Ahmed
January 4, 2023
0
“In Badan Ayaan Cabbay, Waxba Ma Cunayn… Leo Ayaa Cadhooday Oo Igu Yidhi…”

Sergio Aguero ayaa daboolka ka qaaday sidii uu Lionel Messi u cadhooday markii uu arkay isaga oo khamri badan cabbaya isla markaana dabbaal-degaya intii uu socday Koobka Adduunka oo uu xiddigan hore ee wadne-xanuunku ciyaaraha ka fadhiisiyey uu kula sugnaa waddanka Qatar.

ADVERTISEMENT

34 jirkan ayaa si weyn ugu dabbaal-degay guushii xulka qarankiisa ee Koobka Adduunka ay rikoodheyaasha kaga adkaadeen Argentina.

Aguero oo bishii December ee sannadkii hore kabaha tiiriyey, ayaa ay ka burburtay riyadiisii ahayd inuu ciyaaro Koobka Adduunka isla markaana sii dheeraysto tirada kulamada uu u saftay xulkiisa oo ah 101 ciyaar, laakiin waxa uu riyadiisa ku rumeeyey in aanu ka dhax bixin xulkii guuleystay oo uu waqti la qaatay.

Aguero ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta Tyc Sports waxa uu ku sheegay in waqtigii xulku dabbaal-degayay inuu khamri badan cabbay, isla  markaana illoobay cuntada laakiin uu Lionel Messi ku xanaaqay, waxaanu yidhi: “In badan ayaan cabbay, wax cunto ahna ma cunin. Waxa aanu ahayn horyaalka adduunka. Haddii ay wax igu dhici lahaayeen, maalintaas ayay igu dhici lahaayeen.

ADVERTISEMENT

“Leo Messi ayaa cadhooday, waxaanu igu yidhi ‘jooji’. Sidee ayaan u joojiyaa? Ayaan ugu jawaabay, sababtoo ah waxa aynu nahay horyaalka dunida, aadna waan u faraxsanahay.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Aguero ayaa intaas kaddib waxa uu qaaday  Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Waxa aan qaaday xiddiga u wanaagsan dunida. Garbahayga ayaan ku siday aniga oo bood-boodaya, laakiin dhabarka ayay wax igala dhacayeen.

“Waxa aan gaadhay heer aan waxba qaadi kari waayo. Waxa aan gaadhay heer aan soo jeedsan kari waayo, waxaanan ku xigtay in cusbitaalka la i geeyo. Isagu wuu xaqiiqsaday sababtoo ah isaga ayaan eegayay.”

ADVERTISEMENT
Share470Tweet294
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.