Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in khadka dhexe ee xulka France iyo kooxda Juventus ee Adrien Rabiot saxeexiisa usoo bandhigay kooxda Barcelona.
Rabiot ayaa xilli ciyaareedkan qaab fiican ugu soo ciyaaray Juventus kahor inta uusan markale muhiim u noqon France oo uu Finalka koobka aduunka gaadhsiiyay.
Sida lagu sheegayo wargeyska Sport, Rabiot wuxuu doonayaa inuu iskaga tago Juventus oo uusan cusboonaysiin heshiiskiisa xagaaga dhacaya.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Adrien oo koox cusub raadinayaa adeegiisa miiska u saaray macalin Xavi Hernandez oo qudhiisu xoojin khadka dhexe ah Barca u doonaya.
Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Rabiot sanadkii 2019 markii uu PSG ka tagayay balse wuxuu doortay kooxda Serie A ka ciyaarta.
Rabiot wuxuu doonayaa inuu Blaugrana u ciyaaro wuxuuna ka doorbidi doonaa kooxdaas dalabaadka uu ka helo kooxaha Premier League balse wali go’aan rasmi ah ma qaadan doono ilaa dhammaadka suuqa January.
Ugu dambayn, Rabiot ayaa la xasuustaa inay Manchester United si weyn u doonaysay saxeexiisa xagaagii hore balse ay heshiiska shaqsiga ah isku fahmi waayeen.