IISOO CELIYA!! Graham Potter Oo Chelsea Si Lama Filaan Ah Uga Dalban Kara In Xiddig Maqan Loosoo Celiyo

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea ee Graham Potter ayay wararku sheegayaan inuu ka dalbanayo maamulka kooxdiisa inay usoo celiyaan mid kamida xiddigaha qaabka amaahda ah uga maqan waana da’yarka garabka weerar ee Callum Hudson-Odoi.

Hudson-Odoi ayaa maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga qaab amaah ah Bayer Leverkusen ugu biiray iyadoo saxeexyada Raheem Sterling iyo Marc Cucurella ay sii yareeyeen fursadiisa garabka weerar amaba daafaca garab-weerar.

Haatan sida uu sheegayo wargeyska BILD, Potter oo ah tababarihii bedelay Thomas Tuchel uu taageere weyn u yahay Hudson-Odoi isla markaana uu dib u codsan karo in lasoo celiyo suuqa January oo amaahdiisii ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ahayd soo koobaan.

Advertisements

Marka laga yimaado inuusan ilaa haatan wax gool ah dhalin haddana Callum ayaa qaab ciyaareed guud ahaan wanaagsan soo sameeyay shan kulan oo uu Leverkusen metelay halka uu hal caawimo sameeyay.

Kulanka ugu weyn ee uu Hudson-Odoi kasoo qayb qaatay kana soo dhalaalay xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii ay guusha 2-0 ah ka gaadheen Champions League Atletico Madrid.

Hudson-Odoi ayuu soo jiidan karaa tababare Graham oo la filayo inuu saf da’yar ka dhiso Stamford Bridge mashruuciisana uu qayb ka noqon karo.

Advertisements

VyJfo4Pm?format=jpg&name=small

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada