Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa kooxdiisa ka codsaday saxeexa daafaca midig ee Manchester United ee Diogo Dalot oo wakhtigan kamida ciyaartoyda ugu muhiimsan Old Trafford.
Wargeyska La Gazzetta dello Sports ayaa sheegaya in Dalot yahay bartilmaameedka Old Lady kaddib markii ay go’aansadeen inaysan heshiis cusub siinin ruugcaddaa Juan Cuadrado.
Dalot ayaa loo arkaa bedelka tooska ah ee Cuadrado wuxuuna Allegri saxeexiisa ka doonayaa maamulka kooxdiisa.
Heshiiska uu Diogo kula joogo Manchester United ayaa ahaa mid dhacayay xagaaga soo socda balse Red Devils ayaa sanad kale oo ay dookh u haysteen kordhiyay iyagoo gaadhsiiyay ilaa June 2024.
Dalot ayaa ah mid horyaalka Talyaaniga aqoon fiican u leh oo aan laqabsi badan uga baahan doonin Bianconeri maadaama oo uu AC Milan hore amaah ugu soo ciyaaray.
Daafaca Portuguese-ka ah ayaa mudo ciyaartoy keyd ah ka ahaa Man United balse boos joogto ah helay aadna muhiim ugu noqday kooxdaas tan iyo magacaabistii macalin Erik Ten Hag.
Man United ayaa haatan wadahadalo heshiis kordhin kula jirta 23 sano jirkaas oo ay dadaal kasta u samayn doonto sidii ay isaga caabin lahayd kooxaha doonaya.