“Iguma Filna Waqtigaasi”- Xiddig Ka Tirsan Barcelona Oo Cabasho U Gudbiyey Xavi Hernandez

Xavi Hernandez ayaa helay dareenka dhabta ah ee mid ka mid ah xiddigaha kooxdiisa oo usoo badheedhay si uu ugu sheego in aanu ku qanacsanayn waqtiga uu ka siiyey kulamada ay kooxdu ciyaartay illaa hadda oo uu dareensan yahay in ay aad u yar yihiin.

Weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay ayaa u sheegay tababare Xavi, in aanu ku filnayn waqtiga uu ka siiyey kulamadii ay kooxdu ciyaaartay, waxaanu ka dalbaday in la ciyaarsiiyo waqti intaas ka  badan.

Laacibkan oo iska diiday in uu ka tago Barcelona xagaagii oo aad loola  xidhiidhinayay Juventus oo iyaduna waqti dambe la saxeexatay Arkadiusz Milik, ayaa waxa boosaska afka hore ee Barcelona ka haysta Robert Lewandowski, Raphinha iyo Ousmane Dembele oo ah saddexda ciyaartoy ee sida joogtada ah ugu soo bilowda, halka Memphis Depay iyo Ansu Fati ay iyaguna beddelka kula tartamaan Ferran Torres.

Advertisements

Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ayuu kusoo bilowday Depay, waxaana uu dhaliyey gool kulankii Sabtidii ee Elche ay 3-0 ku garaaceen.

Isaga oo ku sugan garoonka tababarka xulka qarankiisa Netherlands ee  isku diyaarinaya kulamada UEFA Nations League ayaa uu Depay warbaahinta la hadlay, waxaanu farriin u diray tababare Xavi, isaga oo yidhi: “Laba ciyaarood ayaan kusoo bilowday labadii toddobaad ee u dambeeyey La Liga. Iguma filna. Waxa la i saaray daqiiqaddii 60aad, waxay se ahayd in waqtigu ka dheeraado. 25kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta, waxa jiray fursado badan, mar walbana waxa aan awood u leeyahay in aan ka faa’iidaysto.”

Waxa kale oo uu Memphis Depay ka hadlay kulamada xulka qarankiisa, waxaanu yidhi: “Dabcan hadda waxa aan rajaynayaa in aan waqti intii ka badan u ciyaari doono xulka qaranka, waanan hubaa in aad qiyaasi karaysaan sababta. Halkan [xulka] waxa aan doonayaa in aan ciyaaro oo aan dhiirigelin dheeraad ah ka dhigto. Waad mahadsan tihiin.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada