Jurgen Klopp ayaa war farxad leh ka helay xiddiga uu doonayo inuu keeno kooxdiisa Liverpool ee Adrien Rabiot oo ka mid ah xulka qaranka Faransiiska ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka, isla markaana wacdaraha ka dhigay kulankii ay 4-1 ku karbaasheen Australia.
Adrien Rabiot ayaa khadka dhexe kula soo bilowday Aurelien Tchouameni, waxaana uu dhaliyey gool iyo mid labaad oo uu caawiye ka noqday.
27 jirkan oo mustaqbalkiisa hadal hayn ka taagan tahay ayaa isku muujinaya Koobka Adduunka, si uu usii diyaarsado dariiqii uu kaga bixi lahaa Juventus oo qandaraaska uu kula jiro uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan socda.
Kooxo badan oo ay ku jirto Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa, waxaana la rumaysan yahay in tababare Jurgen Klopp uu doonayo inuu si xor ah ku keeno laacibkan garoonkaa Anfield, si uu ugu beddelo Oxlade-Chamberlain oo si xor ah uga tegaya iyo Naby Keita oo aan wali laga quusan inuu joogayo iyo inuu bixi doono, halka James Milner uu dhamaad noqonayo qandaraaskii u dambeeyey ee uu saxeexay.
Adrien Rabiot ayaa waraysi uu siiyey wargeyska La Repubblica aee kasoo baxa waddanka Talyaaniga waxa uu ku sheegay in aanu garanayn waxa u dambaynaya mustaqbalkiisa iyo halka uu ka ciyaari doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.
Tababaraha Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa xagaagii isku dayay in uu 27 jirkan ku qanciyo inuu heshiis cusub saxeexo balse waa uu ka diiday.