Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

HORDHAC: Wolves v Man United – Red Devils Oo Booska Afraad Doonaya, Lopetegui Oo Hortaagan, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
December 31, 2022
0
HORDHAC: Wolves v Man United – Red Devils Oo Booska Afraad Doonaya, Lopetegui Oo Hortaagan, Shaxaha & Xogaha Kulanka

Kooxda tababare Erik Ten Hag hormoodka u yahay ee Man United ayaa marti ku ah gegida Melineux Stadium iyagoo booqanaya Wolves iyo tababaraheeda dhawaan-galka ah ee Julien Lopetegui.

ADVERTISEMENT

Red Devils ayaa guul ay gaadhaan si kumeel-gaadh ah booska afraad ugu sii gali doona balse imtaxaan adag ayaa sugaya, Wolves ayaa kasoo adkaatay Everton toddobaadkii hore halka kulankani yahay midkii koowaad ee tababare Lopetegui ku ciyaarayo garoonkiisa kulamada horyaalka.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lopetegui ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Sasa Kalajdzic, Chaquinho iyo Pedro Neto balse wuxuu dib u helayaa Boubacar Toure iyo Jonny Castro.

ADVERTISEMENT

Sidoo kale Goncalo Guedes ayay u badantahay inuu kusoo bilawdo bedelka Daniel Podence oo ku dhaawacmay kulankii Everton.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Dhinaca Man United waxa usoo laabtay Lisandro Martinez oo ku maqnaa dabaaldega Koobkii aduunka, Victor Lindelof iyo Scott McTominay ayuu taam ahaanshahooda shaki ku jiraa halka Jadon Sancho iyo Diogo Dalot ay u badantahay inay maqnaadaan.

Wan-Bissaka ayaa daafaca midig kusoo bilaaban kara walow uu tababare Ten Hag marar badan halkaas hore uga ciyaarsiiyay Malacia oo daafac bidix ah.

Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Antony Santos ayaa markale weerarka kusoo wada bilaaban kara halka Eriksen iyo Fernandes khadka dhexe kala soo muuqanayaan Casemiro.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

ADVERTISEMENT

Wolves (4-3-3): Sa; Semedo, Collins, Kilman, Ait-Nouri; Moutinho, Neves, Nunes; Hwang, Costa, Guedes

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Casemiro, Eriksen; Antony, Fernandes, Rashford; Martial

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Molineux Stadium

Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Robert Jones

Share289Tweet181
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.