Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay ugu yaraan si kumeel-gaadh ah usii qabato hoggaanka horyaalka La Liga kulanka ay caawa fiidka booqanayso dhigeeda Villarreal.
Madrid ayay haatan dhibcaha wadaagaan Barcelona oo farqiga goolasha kaga haysa hoggaanka horyaalka, kulanka caawa ayay kahor tagi doonaan macalinkii hore ee Barca ee Quique Setien oo Villarreal hoggaaminaya.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tababare Setien ayaan wax dhaawacyo cusub ah ku qabin kooxdiisa Villarreal balse waxa wali dhaawac ku maqnaan doona Giovani Lo Celso.
Sidoo kale Francis Coquelin ayay macquul tahay inuu jug ku seego ciyaartan, Villarreal ayaa lagu wadaa inuu Pepe Reina ugu soo bilawdo goolka maadaama Rulli oo shabaq ilaaliyahooda dookha koowaad ahaa Ajax shalay si rasmi ah ugu biiray.
Dhinaca Real Madrid waxa maqnaan doona daafaca midig ee Dani Carvajal oo raaxo la’aan jidheed dareemaya, marka Carvajal laga yimaado xiddiga kale ee seegaya kulankan ayaa ah Mariano Diaz.
Lucas Vazquez ayaa la filayaa inuu daafaca midig ka bedelo Carvajal halka Toni Kroos iyo Luka Modric ay khadka dhexe kula soo bilaaban karaan Aurelien Tchouameni.
Fede Valverde ayaa laga yaabaa inuu garabka midig ee weerarka kusoo bilawdo isagoo weerarka kala dheelaya Benzema iyo Vini Jr.
Shaxaha Macquulka Ah
Villarreal (4-2-3-1): Reina; Femenia, Foyth, Pau Torres, Moreno; Capoue, Parejo; Chukwueze, Baena, Pino; Danjuma
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Vazquez, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 6:15 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Cesar Soto
Garoonka: Estadio de la Ceramica