Arsenal ayaa kooxda ay jaarka dhaw yihiin ee Tottenham booqanaysa kulan adag oo North London Derby ah oo ay labada kooxoodba ujeedooyin xoogan leeyihiin.
Gunners oo ka warqaba guuldarradii Man City ee shalay ayaa doonaya guul ay siddeed dhibcood ugu qabtaan hoggaanka Premier League halka Spurs oo ka warqaba guushii Man United ee shalay ay doonayaan dhibco ay booska afraad ugu dhawaadaan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tottenham waxa ka maqnaan doona Lucas Moura balse waxa ku dhaw inay soo laabtaan ciyaartana fursad u heli kara xiddigaha kala ah Dejan Kulusevski, Rodrigo Bentancur, Yves Bissouma, iyo Richarlison.
Kulusevski oo uu Conte xaqiijiyay inuu diyaar yahay ayaa la filayaa inuu weerarka kula soo bilawdo Harry Kane iyo Son.
Mikel Arteta ayaa isaguna tabi doona xiddigaha kala ah Gabriel Jesus iyo Reiss Nelson balse waxa la filayaa inuu diyaar yahay Bukayo Saka oo kulankii ugu dambeeyay ee FA Cup dhaawac fudud u baxay.
Inuu kulankii ugu dambeeyay soo noqday Emile Smith Rowe ayaa war wanaagsan u ah Mikel Arteta oo kursiga keydka ku haysan doona.
Tottenham (3-4-3): Lloris; Romero, Dier, Lenglet; Doherty, Hojbjerg, Bissouma, Perisic; Kulusevski, Kane, Son
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium
Wakhtiga: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Craig Pawson