Manchester City ayaa caawa u safraysa dhigeeda Southampton oo ay gegida St Marys’ ku ballansan yihiin kulan wareega siddeeda Carabao Cup ka tirsan.
Man City oo saddex jeer oo xidhiidh ah kusoo guuleysatay tartanka ayaa xilli ciyaareedkii hore xilli hore ka hadhay balse markale doonaysa inay hanato iyadoo ugu horreyn caawa wareega afar dhammaadka iska xaadirin karta.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tababare Nathan Jones ayay ka maqan yihiin xiddigaha kala ah Armel Bella-Kotchap, Stuart Armstrong, Valentino Livramento, Juan Larios, Theo Walcott, iyo Alex McCarthy oo dhammaantood dhaawacyo kala duwan qaba.
Dhinaca Man City Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne oo uu Pep Guardiola nasiyay kulankii FA Cup ee Chelsea ayaa ciyaartan ka qayb qaadan kara.
Ortega ayaa markale booska goolka kusoo bilaabanaya iyadoo da’yarka Lewis daafaca midig dheelayo. Pep ayaa la filayaa inuu kulankii ugu horreeyay ee tartan ah City kusoo bilaabo khadka dhexe ee Kalvin Phillips.
Alvarez ayay u badantahay inuu marka hore weerarka dhexe kusoo bilawdo xilli uu sidoo kale garab weerar dheeli karo haddii Haaland kusoo bilawdo.
Shaxaha Macquulka Ah
Southampton (3-4-3): Bazunu; Caleta-Car, Lyanco, Salisu; Walker-Peters, Ward-Prowse, Lavia, Perraud; Adams, Adam Armstrong, Edozie
Man City (4-3-3): Ortega; Lewis, Akanji, Stones, Ake; Phillips, Gundogan, De Bruyne; Mahrez, Alvarez, Grealish
Xogta Kulanka
Tartanka: Carabao Cup
Garoonka: St Marys’ Stadium
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa