Senegal iyo Netherlands oo isku dayaya labaduba inay dhibcaha helaan ayaa maanta isku bilaabanaya koobka aduunka kulan ka dhici doona Al Thumama Stadium.
Senegal ayaa haysata rekoodhka ah inaan xul Yurub ahi abid koob aduun wareega Group-yada kaga adkaan halka Netherlands aysan gabi ahaanba abid wax guuldarro ah ka arag xul African ah.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Xulka hormoodka Africa ah ee koobka qaaradaas kusoo guuleystay ayuu ka maqnaan doonaa hoggaanka weerarkooda ee Sadio Mane, maqnaanshahiisa ayaa Lions Of Teranga boos weyn ku banaynaya.
Maqnaanshaha Mane ayaa ka dhigan in masuuliyadu fuulayso Ismailla Sarr iyo Famara Diedhiou.
Dhinaca Netherlands waxa macquul ah inuu keydka kusoo bilawdo weeraryahan Memphis Depay oo ah hoggaamiyaha Dutch-ka, Depay ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay oo dhan dhaawac kaga maqnaa Barcelona.
Justin Bijlow ayaa goolka kusoo bilaaban doona isagoo ka dambayn doona saddexda daafac dhexe ee Virgil Van Dijk, Jurrien Timber iyo Nathan Ake taas oo wax boos ah u diidaysa Matthijs De Ligt.
Frimpong iyo Daley Blind ayaa garbaha daafaca kaga soo hormari kara Dumfries iyo Malacia halka Frankie De Jong iyo Koopmeiners ay lamaanaha khadka dhexe noqon doonaan.
Cody Gakpo ayaa booska No.9 kusoo bilaabanaya si lamid ah Steven Bergwijn halka uu ka dambayn doono Davy Klaassen oo No.10 dheelayaa.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Senegal (4-3-3): Mendy; Sabaly, Koulibaly, Diallo, Ballo-Toure; Kouyate, Mendy, Gueye; Diatta, Dia, Sarr
Netherlands (3-4-1-2): Bijlow; Timber, van Dijk, Ake; Frimpong, De Jong, Koopmeiners, Blind; Klaassen; Gakpo, Bergwijn
Xogta Kulanka
Tartanka: Koobka Aduunka 2022
Wakhtiga: 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Wilton Sampalo (Brazil)
Garoonka: Al Thumama Stadium