Xulalka Netherlands iyo USA ayaa caawa ku ballansan kulan xoogan oo wareega 16-ka koobka aduunka ah isla markaana hirdan loogu jiro wareega siddeed dhammaadka.
Netherlands ayaa booska koowaad kaga soo baxay Group ay la wadaageen Senegal, Ecuador iyo Qatar halka USA ay booska labaad kaga soo baxeen Group ay la wadaageen England, Wales iyo Iran.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Daafaca midig ee Frimpong ayaa la filayaa inuu dhaawac ku seego kulankan walow uu marka horeba ka horreeyay Denzel Dumfries oo kusoo bilaaban doonaa.
Matthijs De Ligt iyo Nathan Ake ayaa labaduba hal kaadh jaale u jira ganaax ay ku seegaan wareega sideeeda taas oo werwer ku ah tababare Louis Van Gaal.
Depay ayaa markale weerarka kula soo bilaaban doona xiddiga wacdaraha dhigaya ee Cody Gakpo iyadoo Klaassen uu No.10 dheelayo.
Sidoo kale De Roon ayay macquul tahay inuu kulankii labaad oo xidhiidh ah khadka dhexe kula soo bilawdo De Jong.
Dhinaca kale tababare Gregg Berhalter ayaa werwer ka qaba xaalada taam ahaanshaha hoggaanka weerarka xulkiisa ee Christian Pulisic.
Sidoo kale weeraryahan Josh Sergeant ayaa dhaawac canqawga ah kaga maqnaan kara kulankan halka uu shaki yari ku jiro Weston McKennie.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Netherlands (3-4-1-2): Noppert; Timber, van Dijk, Ake; Dumfries, De Roon, de Jong, Blind; Klaassen; Depay, Gakpo
USA (4-3-3): Turner; Dest, Carter-Vickers, Ream, Robinson; Musah, Adams, McKennie; Weah, Wright, Pulisic
Xogta Kulanka
Tartanka: Koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Khalifa Stadium
Garsoore: Wilton Sampaio (Brazil)