Manchester United ayaa sanadka cusub ee 2023 ku bilaabanaysa kulan ay Old Trafford kula ciyaarayso kooxda Bournemouth.
Manchester ayaa guul ay gaadho ku tagi karta booska saddexaad ee kala sarreynta horyaalka haddii Newcastle United laga badiyo kulanka ay Arsenal la leedahay.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Erik Ten Hag ayaa dib u helaya daafaca dhexe ee Lisandro Martinez oo tababaro dhawr ah qaatay tan iyo markii uu kasoo noqday dabaaldegii guusha Koobka aduunka.
Diogo Dalot iyo Victor Lindelof ayaa iyaguna dhaawacyo la tacaalaya isla markaana xaaladooda la qiimayn doonaa kulanka kahor.
Marcus Rashford oo sabab anshax-marin u fadhiyay kulankii Wolves oo uu bedel ku yimid ayaa Alejandro Garnacho kala bixi kara booska garabka bidix.
Martinez haddii uu shaxda kusoo laabto ayuu Luke Shaw daafaca bidix ku laaban doonaa iyadoo Tyrel Malacia keydka ku noqonayo.
Bournemouth ayuu dhinaceeda ka maqnaan karaa Philip Billing oo dhaawac loo bedelay kulankii ugu dambeeyay ee Crystal Palace halka ay hubaal maqnaan doonaan Neto, David Brooks, Ryan Fredericks, Junior Stanislas iyo Marcus Tavernier.
Shaxaha Macquulka Ah
Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Martinez, Varane, Shaw; Eriksen, Casemiro; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Martial
Bournemouth (5-3-2): Travers; Anthony, Smith, Kelly, Senesi, Zemura; Cook, Lerma, Rothwell; Solanke, Moore
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Old Trafford
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Michael Salisbury