Liverpool oo ah kooxda sanadkan difaacanaysa tartanka Carabao Cup ayaa caawa booqanaysa dhigeeda Manchester City kulan wareega 32-ka ee tartankaas ah.
Reds ayaa xilli ciyaareedkan qaab xun ku bilawday guud ahaan balse Jurgen Klopp ayaa rajaynaya inay wadada joogtaynta cagta soo saaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Dhinaciisa Pep Guardiola ayay kooxdiisa Man City sidii looga bartay tartamaysaa dhammaan Koobabka ay qaybta ka tahay iyagoo sii xoojin doona qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Man City ayuu ka maqnaan doonaa weeraryahan Julian Alvarez oo Koobka aduunka kula guuleystay Argentina, goolhaye Stefan Ortega ayaa la filayaa inuu goolka kusoo bilawdo.
Da’yarka Lewis ayaa daafaca midig dheeli kara halka Dias, Laporte iyo Gomez afarta daafac la dhammaystirtayaan.
Rodri iyo Gundogan ayaa khadka dhexe kala soo muuqan kara Cole Palmer haddii Pep doorto inuu De Bruyne nasiyo halka Mahrez, Grealish iyo Haaland weerarka ku midoobi karaan.
Dhinaca Liverpool waxa dhaawacyo ka qaba Arthur Melo, Luis Diaz iyo Diogo Jota halka uu maqnaan doono Ibrahima Konate oo Finalkii Koobka aduunka ciyaaray.
Kelleher ayaa goolka Reds kusoo bilaabanaya halka Ramsay, Joal Matip, Joe Gomez iyo Robertson ay u badantahay inay afarta daafac ku midoobaan.
Elliot, Keita iyo Thiago ayaa khadka dhexe kasoo wada muuqan kara kahor Fabinho iyo Henderson halka Salah, Firmino iyo Nunez weerarka dheelayaan.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Man City (4-2-3-1): Ortega; Lewis, Dias, Laporte, Gomez; Rodri, Gundogan; Mahrez, Palmer, Grealish; Haaland
Liverpool (4-3-3): Kelleher; Ramsay, Gomez, Matip, Robertson; Elliott, Keita, Thiago; Salah, Firmino, Nunez
Xogta Kulanka
Tartanka: Carabao Cup
Garoonka: Etihad Stadium
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: David Coote