Manchester City oo wali eryanaysa kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ayaa caawa qaabilaysa dhigeeda Everton kulan lagu ballansan yahay Etihad Stadium.
Kaddib laba guulood oo ay kasoo gaadheen Liverpool iyo Leeds United, Sky Blues ayaa kulankan dheeli doona kahor ciyaarta Arsenal caawa la leedahay Brighton.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Pep Guardiola ayuu markale ka maqnaan doonaa daafaca dhexe ee Ruben Dias oo dhaawac qaba halka Julian Alvarez oo Koobka aduunka Argentina kula soo guuleystay uu hadda uun soo laabtay.
Walker iyo Cancelo ayaa garbaha daafac kusoo bilaaban kara bedelka Lewis iyo Ake, halka ay khadka dhexe kusoo wada bilaaban karaan markale Rodri, Gundogan iyo De Bruyne.
Jack Grealish ayaa markan ka dib dhici kara Phil Foden halka Bernardo Silva garabka midig Riyad Mahrez kula tartami doono.
Everton ayay ka maqnaan doonaan Andros Towsend, James Garner iyo Mason Holgate, kooxda tababare Frank Lampard ayaa la filayaa inay shax ciyaareedka 4-3-3 kusoo gasho.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Akanji, Laporte, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Silva, Haaland, Foden
Everton (4-3-3): Pickford; Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko; Iwobi, Onana, Gueye; Gordon, Calvert-Lewin, Gray
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Andrew Madley