Chelsea ayaa u safri doonta gegida Etihad Stadium iyadoo markii saddexaad xilli ciyaareedka iyo markii labaad maalmo gudahood la kulmaya Manchester City.
City ayaa hore Carabao Cup uga cidhib-tirtay Chelsea isla markaana dhawr habeen kahor guul Premier League ah kasoo gaadhay, Pep Guardiola ayaa tartan kale ka cidhib-tiri kara Graham Potter iyo wiilashiisa.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Ruben Dias iyo Aymeric Laporte ayaa markale ka maqnaan doona Man City, Guardiola oo kulankii Stamford Bridge shax ciyaareed saddex daafac dhexe ah doortay ayaa la filayaa inuu hanaanka afarta daafac kusoo noqdo.
Stefan Ortega ayaa goolka kusoo bilaaban doona, Akanji iyo Ake ayaa daafaca dhexe dheeli kara iyadoo Walker iyo Cancelo garbaha daafaca dheeli karaan.
Alvarez ayaa no.9 kusoo bilaaban kara bedelka Haaland iyadoo Grealish iyo Mahrez garbaha weerarka kasoo hormarayaan Foden iyo Silva.
Sterling iyo Pulisic ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Chelsea oo ay ku jiraan Mason Mount, Recce James, N’Golo Kante, Armando Broja iyo Edouard Mendy.
Warka u wanaagsan Blues ayaa ah inay kulankan usoo laaban karaan Wesley Fofana, Ben Chilwell iyo Ruben Loftus-Cheek.
Trevoh Chalobah ayaa daafaca Chelsea ka bedeli kara Thiago Silva, Denis Zakaria oo ismuujiyay kulankii hore ayaa markale khadka dhexe dheeli kara halka Aubameyang fursad kale heli karo.
Shaxaha Macquulka Ah
Man City (4-3-3): Ortega; Walker, Akanji, Ake, Cancelo; De Bruyne, Gundogan, Phillips; Mahrez, Alvarez, Grealish
Chelsea (4-3-3): Kepa; Azpilicueta, Chalobah, Koulibaly, Cucurella; Chukwuemeka, Jorginho, Zakaria; Ziyech, Havertz, Aubameyang
Xogta Kulanka
Tartanka: FA Cup
Garoonka: Etihad Stadium
Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Robert Jones