Manchester City ayaa isku dayaysa inay hoggaanka horyaalka ku dhawaato isla markaana ay booska labaad dib uga hesho Newcastle United kulanka ay caawa booqanayaan dhigooda Leeds United.
Weeraryahan Erling Haaland ayaa markii ugu horreysay kahor tagaya kooxda uu jecel yahay ee Leeds isagoo ku laabanaya magaaladii uu ku dhashay markii aabihii kooxdaas u ciyaarayay.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Leeds United ayaa kulankan aad u kala maqan, 12 ciyaartoy ayuu shaki ku jiraa fursadooda iyadoo midka kaliya ee la hubaa yahay Tyler Adams oo ganaax ku maqnaanaya.
Goolhaye Meslier ayaa la tacaalaya xumad daran, haddii uu taam noqon waayo ayuu Klaesson bedelkiisa kusoo bilaaban doonaa, sidoo kale Summerville iyo Patrick Bamford ayaa kamida xiddigaha ka maqnaan kara kooxda martida loo yahay.
Dhinaca Manchester City waxa maqnaan doona daafaca dhexe ee Ruben Dias oo xulka Portugal koobkii aduunka kusoo dhaawacmay halka weeraryahan Julian Alvarez oo koobka aduunka Argentina kula soo guuleystay uusan wali diyaar ahayn.
Ederson, Kyle Walker, Joao Cancelo iyo Bernardo Silva oo keydka fadhiyay kulankii Carabao Cup ee Liverpool ayaa kusoo bilaaban kara halka Jack Grealish iyo Phil Foden ay garabka bidix ku tartami doonaan.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Leeds United (4-2-3-1): Meslier; Kristensen, Koch, Cooper, Struijk; Greenwood, Roca; Gnonto, Aaronson, Summerville; Rodrigo
Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Silva, Haaland, Foden
Xogaha Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Elland Road
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa