Xulka England ayaa maanta bilaaban doona tartanka Koobka aduunka isagoo kulankiisa furitaanka kahor tagaya xulka Iran.
England oo koobkii aduunka oo hore wareega afar dhammaadka gaadhay isla markaana kama dambaysta iska xaadirisay ciyaartii Euro 2020 ayaa markana rajo fiican qabta.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Shax lasoo dusiyay oo xulka England ah ayaa jirta kulanka kahor iyadoo laga helay wargeyska The Sun, shaxdan ayaa muujinaysa in tababare Gareth Southgate uusan shan daafac markan ku ciyaari doonin.
Stones iyo Maguire ayaa la filayaa inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan iyadoo Trippier iyo Luke Shaw labada daafac garab dheelayaan.
Declan Rice ayaa ah burburiyaha xulashada halka Jude Bellingham doorka No.8 dheeli doono iyadoo Mason Mount oo ka horreeyaa No.10 yahay.
Bukayo Saka ayaa kasoo hormaraya Phil Foden halka Raheem Sterling gacanta sarre ka helayo Rashford iyo Grealish iyagoo weerarka ka caawin doona kabtan Harry Kane.
Dhinaca Iran tababare Carlos Queiroz ayuu ku maqnaan doonaa khadka dhexe ee muhiimka ah ee Omid Ebrahimi halka aan la filayn inuu halis galin doono Sardar Azmoun oo haatan dhaawac kubka ah tababarka kaga soo laabtay.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
England (4-3-3): Pickford; Trippier, Stones, Maguire, Shaw; Mount, Rice, Bellingham; Saka, Kane, Sterling
Iran (4-3-3): Beiranvand; Moharrami, Pouraliganji, Hosseini, Mohammadi; Ezatolahi, Nourollahi, Hajsafi; Jahanbaksh, Taremi, Amiri
Xogaha Kulanka
Tartanka: Koobka Aduunka 2022
Wakhtiga: 4:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Raphael Claus (Brazil)
Garoonka: Khalifa International Stadium