Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

HORDHAC: Group H – Portugal Oo Booska Koowaad Xaqiiqsanaya, Ghana Oo Aargoosi Ugu Socota Uruguay, Shaxaha & Xogaha Kulamada

by Apdihakem Omer Adam
December 2, 2022
0
HORDHAC: Group H – Portugal Oo Booska Koowaad Xaqiiqsanaya, Ghana Oo Aargoosi Ugu Socota Uruguay, Shaxaha & Xogaha Kulamada

Portugal v South Korea

Xulka Portugal oo horeba u xaqiiqsaday inuu wareega 16-ka u gudbay ayaa la ballansan dhigiisa South Korea oo hal dhibic leh rajadiisuna fogtahay, South Korea ayaa doonaysa guul ay fursad ugu hesho wareega xiga halka Portugal rabaan inay rekoodh 100% ah Group-ka kaga baxaan oo booska koowaadna xaqiiqsadaan.

ADVERTISEMENT

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Weeraryahanka Wolves ee Hwang Hee Chan ayaan wali tartankan taam u noqon oo aan ku metelin South Korea, lama hubo xataa haddii uu kulankan diyaar u noqon doono.

Dhinaca Portugal waxa la filayaa in Cristiano Ronaldo, Danilo Pereira iyo Nuno Mendes ay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan ciyaartan.

ADVERTISEMENT

Diogo Dalot ayaa lagu wadaa inuu fursad helo oo daafaca midig kusoo bilawdo ciyaartan iyadoo Joao Cancelo ama nasanayo ama daafaca bidix u wareegayo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Palhinha ayaa fursad ka heli kara khadka dhexe, sidoo kale Rafael Leao ayaa kasoo hormari kara Joao Felix halka Goncalo Ramos kusoo bilaaban karo No.9.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

South Korea (4-2-3-1): Kim Seung-gyu; Kim Moon-hwan, Kim Min-jae, Kim Young-gwon, Kim Jin-su; Jung Woo-young, Hwang In-beom; Kwon Chang-hoon, Jeong Woo-yeong, Son Heung-min; Cho Gue-sung

Portugal (4-3-3): Costa; Dalot, Pepe, Dias, Cancelo; Bernardo Silva, Neves, Palhinha; Fernandes, Ramos, Leao

ADVERTISEMENT

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Education City Stadium

Garsoore: Facundo Tello (Argentina)

Ghana v Uruguay

Xulka Ghana ayaa caawa koobka aduunka la ballansan dhigiisa Uruguay oo ahaa dalkii qaabka muranka dhaliyay uga reebay koobkii aduunka ee 2010 iyadoo xiddigii goolka cad gacanta kaga badbaadiyay ee Luis Suarez waliba joogo.

Ghana ayaa leh saddex dhibcood uu xataa barbaro fursad fiican oo ay ku baxdo ku haysata halka Uruguay leedahay kaliya hal dhibic oo guul iyo goolal u baahantahay.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Dhinaca xulka Ghana tababare Otto Addo ayaan ka cabanayn wax dhaawacyo cusub ah balse waxa uu ka warsugayaa Gideon Mensah oo hore u dhaawacmay.

Dhinaca Uruguay waxa markale maqnaan kara daafaca dhexe ee Ronald Araujo oo mudo dheer dhaawac qabay balse xulkaasi koobka aduunka u qaatay, Barcelona ayaan ku faraxsanayn qaabka dalkiisu garoomada ugu soo dedejinayo Araujo.

Tababare Diego Alonso ayaa markale dooran kara inuu Edinson Cavanikasoo hormariyo Luis Suarez halka sidoo kale weeraryahan Gomez uu kulankan kusoo bilaaban karo.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Ghana (4-2-3-1): Ati-Zigi; Lamptey, Amartey, Salisu, Mensah; Partey, Samed; Kudus, Andre Ayew, Jordan Ayew; Williams

Uruguay (3-5-2): Rochet; Gimenez, Godin, Coates; Varela, Valverde, Bentancur, Vecino, Olivera; Gomez, Nunez

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Al Janoub Stadium

Garsoore: Daniel Siebert (Germany)

Share260Tweet162
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.