France v Tunisia
Xulka France oo kamida dalalka u gudbay wareega 16-ka Koobka aduunka ayaa caawa kulankooda saddexaad la ciyaaraya Tunisia oo hal dhibic wadata, Les Bleus ayaa la filayaa inay xiddigo badan fursad siiyaan iyagoo kuwii hore u ciyaarayay keydka dhigaya.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tunisia ayaan la filayn inay bedelo badan ah ku samayso shaxdeedii hore, goolhaye Aymen Dahmen ayaa goolka kusoo bilaaban doona iyadoo ay ka horreeyaan saddexda daafac ee Dylan Bronn, Yassine Meriah iyo Montassar Talbi.
Dhinaca France waxa la hadal hayaa in Eduadro Camavinga oo asal ahaan khad dhexe ahi daafac bidix ugu soo bilaaban doono kulankan.
Thuram ayaa booska No.9 ka dheeli kara iyadoo Giroud la nasinayo, sidoo kale Coman ayaa booska Dembele soo gali kara balse Kylian Mbappe oo gool dhalinta u tartamaya ayaa markale kusoo bilaaban kara.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Tunisia (3-4-2-1): Dahmen; Bronn, Meriah, Talbi; Drager, Skhiri, Laidouni, Abdi; Msakni, Sliti; Khazri
France (4-2-3-1): Lloris; Pavard, Konate, Varane, Camavinga; Rabiot, Tchouameni; Coman, Griezmann, Mbappe; Thuram
Xogaha Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Education City Stadium
Garsoore: Mathew Conger (New Zealand)
Denmark v Australia
Denmark oo ilaa haatan kaliya hal dhibic ka wadata koobka aduunka ayaa kulan ay kaliya guul u baahantahay la ballansan dhigeeda Australia oo iyagu saddex dhibcood leh isla markaana xataa barbardhac ku gudbi kara.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Dhinaca Australia waxa dhaawac kaga maqnaa kulankii hore ee ay guusha ka gaadheen Tunisia Nathaniel Atkinson, markale ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulankan.
Tababare Graham Arnold ayaa la filayaa inuu markale taatiko awood difaacasho, mid jidh ahaaneed iyo weerar rogaal celis ah ku salaysan dhiso maadaama Denmark soo weerar tagi doonto.
Dhinaca Denmark waxa gabi ahaanba xulka dhaawac uga baxay kulankii horena maqnaa Thomas Delaney, intaas marka laga yimaado macalin Kasper Hjulmand ayaa haysta saf caafimaad qaba.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Australia (4-5-1): Ryan; Karacic, Souttar, Rowles, Behich; Leckie, Irvine, Mooy, McGree, Goodwin; Duke
Denmark (3-4-3): Schmeichel; Andersen, Kjaer, Christensen; Kristensen, Hojbjerg, Eriksen, Maehle; Skov Olsen, Dolberg, Damsgaard
Xogta Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Al Janoub Stadium
Garsoore: Mustapha Ghorbal (Algeria)