Argentina v Poland
Argentina ayaa caawa kulankeeda saddexaad ee koobka aduunka la ballansan xulka ree Yurub ee Poland, Argentina ayaa guul u baahan si ay ugu gudubto wareega 16-ka halka Poland xataa barbardhac ay ku xaqiiqsan karto.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tababaraha Poland ee Czeslaw Michniewicz ayaa la filayaa inuu magacaabo isla shaxdii uu Saudi Arabia kaga soo adkaaday dhawaan.
Dhinaca Argentina, tababare Lionel Scaloni ayaa wali isbedelo kusii samayn kara shaxdii ay Mexico kaga soo badiyeen ciyaartii u dambaysay.
Arrinta cajiibka ah ee la hadal hayo ayaa ah in Lisandro Martinez oo kamid ahaa xiddigaha ugu fiicnaa Argentina kulankii Mexico markale kursiga keydka lagu celin karo si lamid ah daafaca midig ee Montiel.
Enzo Fernandez oo gool cajiib ah ka dhaliyay Mexico ayaa kusoo bilaaban kara kulankan sidoo kale Leandro Paredes ayaa isaguna booskii Guido Rodriguez soo gali kara.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Poland (4-4-2): Szczesny; Cash, Glik, Kiwior, Bereszynski; Zielinski, Bielik, Krychowiak, Frankowski; Milik, Lewandowski
Argentina (4-3-3): E. Martinez; Molina, Otamendi, Romero, Tagliafico; Fernandez, Paredes, De Paul; Messi, La. Martinez, Di Maria
Xogaha Kulanka
Tartanka: Koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Stadium 974
Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)
Saudi Arabia v Mexico
Saudi Arabia ayaa caawa la ballansan dhigiisa Mexico iyagoo ka warqaba in guul ay kulankan ka helaan ka caawin doonto inay u gudbaan wareega 16-ka koobka aduunka halka rajada Mexico tahay mid aad u yar.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tababare Herve Renard ayuu ganaax kaga maqnaan doonaa Abdulelah Al Maliki oo laba kaadh jaale gaadhay waxaana ay u badantahay in Nawaf Al Abed uu bedeli doono.
Yasser Al-Shahrani iyo Salman Al-Faraj ayaa iyaguna Saudi-ga kaga maqnaanaya dhaawacyadii ku gaadhay kulankii Argentina.
Dhinaca Mexico macalin Gerardo Martimo ayay horyaalaan go’aamo ay tahay inuu gaadho, Andres Guardado ayaa dhaawac qaybtii hore uga baxay kulankii Argentina, Edzon Alvarez ayaa bedelkiisa noqon kara.
Sidoo kale weeraryahan Raul Jimenez ayaa kulankiisii koowaad kusoo bilaaban kara iyadoo shaxda Mexico loo bedelayo 4-3-3.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Saudi Arabia (4-1-4-1): Al-Owais; Abdulhamid, Al-Amri, Al-Bulaihi, Al-Burayk; Nasser Al-Dawsari; Al-Buraikan, Al Najei, Kanno, Salem Al-Dawsari; Al-Shehri
Mexico (4-3-3): Ochoa; Sanchez, Moreno, Montes, Gallardo; Herrera, Alvarez, Chavez; Lozano, Jimenez, Vega
Xogta Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Lusail Stadium
Garsoore: Michael Oliver (England)