Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

HORDHAC: Group B – England Oo Booska Koowaad U Ordaya, Iran Iyo Maraykanka Oo Isku Maran, Shaxaha & Xogaha Kulamada

by Apdihakem Omer Adam
November 29, 2022
0
HORDHAC: Group B – England Oo Booska Koowaad U Ordaya, Iran Iyo Maraykanka Oo Isku Maran, Shaxaha & Xogaha Kulamada

England v Wales

England oo afar dhibcood leh ayaa kahor tagaya xulka ay xifaaltamaan ee Wales oo hal dhibic leh, xulka saddexda libaax oo hoggaaminaya Group B ayaa u baahan guul uu booska koowaad ku xaqiiqsado halka Wales rajadoodu aad u yartahay oo ay ugu hooseeyaan Group-ka.

ADVERTISEMENT

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Wales waxa ganaax kaga maqnaan doona goolhaye Wayne Hennessey oo casaan qaatay kulankii hore ee Iran waxaana booskiisa buuxin doona Danny Ward.

Dhinaciisa xulka England ayaa la filayaa inuusan shaxdiisii hore wax badan ka bedelin balse waxa jirta hadal hayn ah inuu Jordan Henderson markan kasoo hormari doono Jude Bellingham.

ADVERTISEMENT

Sidoo kale garabka midig ayuu kusoo bilaaban karaa Phil Foden oo booska kala baxaya Bukayo Saka haddii uu Southgate doorto inuu markan xiddiga Man City kusoo bilaabo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Shaxaha Macquulka Ah e Labada Xul

Wales (3-4-3): Ward; Mepham, Rodon, Davies; Roberts, Ramsey, Ampadu, Williams; James, Moore, Bale

England (4-2-3-1): Pickford; Trippier, Stones, Maguire, Shaw; Henderson, Bellingham; Sterling, Mount, Foden; Kane

Xogta Kulanka

ADVERTISEMENT

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Slavko Vincic (Slovenia)

Garoonka: Ahmed Bin Ali Stadium

USA v Iran

Laba dal oo si weyn iskugu haya siyaasada caalamka ayaa garoonka dhexdiisa ku kulmaya iyadoo aad loo xiisaynayo kulankan, Maraykanka ayaa kaliya guul u baahan oo laba dhibcood leh halka Iran xataa barbardhac ay kusoo bixi karto iyadoo natiijada Wales ka hesho England ka warsugaysa.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Tababare Carlos Queiroz ayaa ka werwersan xaalada weeraryahankiisa Sardar Azmoun oo wax ku noqday guushii Wales halka uu ganaax ku waayayo Alireza Jahanbakhsh kaddib markii uu kaadhkiisii huruuda ahaa ee labaad qaatay ciyaartii hore.

Goolhaye Alireza Beiranvand oo dhaawac sanka ah kaga maqnaa kulankii Wales ayaa markan diyaar ah balse lama hubo haddii uu tababare Queiroz bedeli doono Hossein Hosseini oo shabaq nadiif ah ilaashaday ciyaartaas.

Dhinaca Maraykanka tababare Gregg Berhalter ayaa wajahaya dhibaato weyn oo dhinaca weerarka ah isagoo weeraryahano kala duwan soo xushay kulamadii ay koobka ka dheeleen ilaa hadda, Haji Wright ayaa markale kusoo bilaaban kara.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Iran (4-4-2): H Hosseini; Rezaeian, M Hosseini, Pouraliganji, Mohammadi; Ali Gholizadeh, Nourollahi, Ezatolahi, Hajsafi; Taremi, Azmoun

USA  (4-3-3): Turner; Dest, Zimmerman, Ream, Robinson; Adams, Musah, McKennie; Pulisic, Weah, Wright

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Antonio Mateu (Spain)

Garoonka: Al Thumama Stadium

Share271Tweet169
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.