Caawa xulalka Argentina iyo France ayaa fooda isku daraya gegida Lusail Stadium kulanka Finalka koobka aduunka kaddib wareegii afar dhammaadka markii ay kaga soo takhaluseen Croatia iyo Morocco.
Argentina oo uu Lionel Messi hormood u yahay ayaa doonaysa koob aduunkeedii saddexaad iyo midkeedii ugu horreeyay tan iyo 1986 halka Les Bleus ay doonayaan isla Koob aduunkoodii saddexaad iyo midkoodii labaad oo xidhiidh ah.
Messi oo dunida dad badani u aqoonsan yihiin midka ugu fiican taariikhda ayaa darajadaas sii xoojisan kara haddii uu liiska koobabkiisa ku darsado maanta koobka aduunka.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Angel Di Maria oo la iska nasiyay kulankii afar dhammaadka ayaa lagu wadaa inuu caawa kusoo bilawdo halka daafaca garab ee Marcos Acuna uu ganaax kasoo laabtay.
Tababare Lionel Scaloni ayaa la filayaa inuu shaxda 4-3-3 kusoo galo isagoo Paredes khadka dhexe ka saaraya isla markaana weerarka ku daraya Di Maria.
Di Maria ayaa saddexleyda weerar kula midoobi kara Lionel Messi iyo da’yarka sida lama filaanka ah wacdaraha u dhigaya ee Julian Alvarez.
Haddiiba Scaloni shax shan difaac uu doorto ayuu Lisandro Martinez daafaca dhexe kula soo bilaaban doonaa Otamendi iyo Romero.
Dhinaca France ugu horreynba waxa usoo wada laabtay xiddigaha uu ka saameeyay caabuqa Geela sida Adrien Rabiot oo gabi ahaanba seegay kulankii hore.
Tababare Didier Deschamps ayaa ka werwersan xaalada weeraryahan Olivier Giroud kaas oo xanuun ka dareemaya jilibka kahor kulankan.
Konate oo wacdarro dhigay kulankii afar dhammaadka ee Morocco ayaa markale kusoo bilaaban kara daafaca dhexe bedelka Upamecano.
Shaxaha macquulka ah ee labada xul
Argentina (4-3-3): Emiliano Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Acuna; De Paul, Enzo Fernandez, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez
France (4-2-3-1): Lloris; Kounde, Varane, Konate, Theo Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud
Xogta Kulanka
Tartanka: Finalka Koobka Aduunka
Wakhtiga: 6:00 Fiidnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Lusail Stadium
Garsoore: Syzmon Marciniak (Poland)
MA OGTAHAY?
- Argentina waxay ciyaaraysaa Finalkii lixaad, kaliya Germany oo siddeed jeer ciyaaray ayaa ka badan taariikhda Finalada Koobka Aduunka, 1978 iyo 1986 ayay kusoo guuleysteen
- France Afar Koob aduun ayuu gaadhay Finalkiisa taariikhda oo kala ah 1998, 2006, 2018 iyo 2022
- Argentina iyo France ayaa markoodii afraad Koob aduun ku kulmaya, La Albiceleste ayaa soo badiyay laba kulan oo hore halka Les Bleus hal kulan soo adkaadeen.
- France ayaa doonaya koob aduunkoodii labaad oo xidhiidh ah, sidaas waxa hore u sameeyay Talyaaniga (1934 iyo 1938) iyo Brazil (1958 iyo 1962).
- Argentina oo kulankeedii koowaad Saudi Arabia guuldarro kala kulantay ayaa noqon kara dalkii labaad ee guuldarro ku furta tartanka haddana koobka hanta kaddib Spain 2010.