Boos wareega siddeed dhammaadka koobka aduunka ah ayaa miiska saaran caawa kulan qayb ka ah wareega 16-ka oo dhex maraya xulalka England iyo Senegal.
England ayaa booska koowaad kaga soo baxday Group ay la wadaagtay USA, Iran iyo Wales halka Senegal labaad kaga soo gudbeen khaanad ay kula jireen Netherlands, Ecuador iyo Qatar.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tababare Gareth Southgate ayaan wax dhaawacyo cusub ah kaga cabanayn xulkiisa England, John Stones, Harry Maguire, Kyle Walker iyo Luke Shaw ayaa markale daafaca kusoo wada bilaaban kara.
Southgate ayay macquul tahay inuu kulankan keydka kusii hayo Mason Mount iyo Raheem Sterling isagoo No.10 dheelsiinaya Phil Foden isla markaana garbaha weerarka ka ciyaarsiinaya Marcus Rashford iyo Bukayo Saka.
Dhinaca Senegal, macalin Aliou Cisse ayaa ka xaalad duwan dhigiisa England waxaana hubaal ka maqnaanaya mashiinkiisa khadka dhexe ee Idrissa Gueye oo ganaax qaba halka Kouyate uu isaguna dhaawac ku seegi karo.
Namblays Mendy ayaa booska khadka dhexe ee burburiyaha kusoo bilaaban kara iyadoo ay ka horreynayaan Pathe Ciss iyo Pape Gueye.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
England (4-2-3-1): Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Bellingham, Rice; Saka, Foden, Rashford; Kane
Senegal (4-3-3): Edouard Mendy; Sabaly, Koulibaly, Diallo, Jakobs; Pape Gueye, Nampalys Mendy, Ciss; Ndiaye, Dia, Sarr
Xogta Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Ivan Barton (El Salvador)
Garoonka: Al Bayt Stadium