Chelsea ayaa caawa dib u bilaabanaysa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka kaddib mudo Koobka aduunka lagu mashquulay, Blues ayaa kamid ahaa kooxaha ugu baahida badnaa fasaxii mudada la galay.
Kooxda ree London ayaa kulamadii ugu dambeeyay kahor fasaxaas wakhti aad u adag ku jirtay iyadoo afar kamida shantii kulan ee ugu dambeeyay laga badiyay, waxay isku dayi doonaan inay wanaajiyaan qaybtooda dambe ee xilli ciyaareedka.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Chelsea ayay ka maqnaan doonaan Wesley Fofana, N’Golo Kante, iyo Armando Broja halka Mateo Kovacic iyo Hakim Ziyech ay maqnaan karaan sababtoo ah ka qayb qaadashadoodii Koobka aduunka.
Sidoo kale waxa shaki ku jiraa Carney Chukwuemeka, Ruben Loftus-Cheek, Ben Chilwell, iyo Kepa Arrizabalaga, booska goolka ayuu Edouard Mendy kasoo muuqan karaa halka Azpilicueta, Trevoh Chalobah, iyo Kalidou Koulibaly ay saddex daafac dhexe dheeli karaan.
Reece James oo dhaawac kasoo kabtay ayaa daafaca midig ee garab weerar ciyaari kara iyadoo Jorginho iyo Gallagher khadka dhexe ku midoobi karaan kahor Mason Mount.
Kai Havertz oo dhawaan kulan saaxiibtinimo oo albaabadu u xidhan yihiin saddexley kasoo dhaliyay ayaa Aubameyang iyo Raheem Sterling weerarka kala soo muuqan kara.
Cherries ayaa iyaguna dhaawacyo kulankan ku waayaya David Brooks, Neto, Jefferson Lerma, Marcus Tavernier, iyo Ryan Fredericks,
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Chelsea (3-4-3): Mendy; Azpilicueta, Chalobah, Koulibaly; James, Jorginho, Gallagher, Cucurella; Sterling, Aubameyang, Havertz
Bournemouth (4-4-2): Travers; Smith, Stephens, Senesi, Zemura; Christie, Cook, Billing, Anthony; Solanke, Moore
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 8:30 fiidnimo xilliga geeska Africa