Arsenal ayaa caawa booqanaysa dhigeeda Brighton kulan adag oo ay kooxda ree London ku doonayso inay ilaashato farqiga shanta dhibcood ah ee ay hoggaanka Premier League ku hayso.
Kooxda uu hormoodka u yahay macalin Roberto De Zerbi ayaa kamida imtaxaamada adag ee ay Arsenal mari doonto kulamo xidhiidh ah oo u bilaabmaya haatan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Brighton ayuu ka maqnaan doonaa xiddiga laf-dhabarta u ah ee Moises Caicedo oo shan kaadh jaale gaadhay si lamid ah Adam Webster, Jakub Moder iyo Danny Welbeck oo dhaawacan.
Sidoo kale Seagulls waxa ka maqnaan doona xiddiga muhiimada weyn u leh ee Alexis Mac Allister oo Koobkii aduunka Argentina kula soo guuleystay.
Dhinaceeda Arsenal ayaa helaysa war wanaagsan oo ah in daafaca midig ee ree Japan ee Takehiro Tomiyasu uu kasoo kabtay dhaawac muruqa ah.
Gunners ayay wali kasii maqnaan doonaan Emile Smith Rowe, Gabriel Jesus iyo Reiss Nelson oo dhaawacyo kala duwan qabaa.
Gunners ayaan la filayn inay bedelaan shaxdii ay kulankii ugu dambeeyay guusha 3-1 ah kaga soo gaadheen West Ham United.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Brighton (4-2-3-1): Sanchez; Veltman, Dunk, Colwill, Estupinan; Gilmour, Gross; March, Lallana, Mitoma; Trossard
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Xhaka, Partey; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Amex Stadium
Wakhtiga: 8:30 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor