Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

HORDHAC: Brazil Oo Cameroon Caqabad Ku Ah, Serbia Iyo Switzerland Oo Qoorta Iskula Jira, Shaxaha & Xogaha Kulamada

by Apdihakem Omer Adam
December 2, 2022
0
HORDHAC: Brazil Oo Cameroon Caqabad Ku Ah, Serbia Iyo Switzerland Oo Qoorta Iskula Jira, Shaxaha & Xogaha Kulamada

Cameroon v Brazil

Xulka Cameroon oo doonaya inuu helo guul uu ugu soo baxo koobka aduunka wareegiisa 16-ka haatana hal dhibic haysta oo rajadiisu fogtahay ayaa wajahaya Brazil oo hore u gudubtay balse xaqiiqsashada booska koowaad ee Group-ka u socota.

ADVERTISEMENT

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Tababare Rigobert Song wuxuu shaxdiisa ku waayayaa markale kaliya goolhaye Andre Onana oo dhawaan xulka laga caydhiyay, intaas kaddib wuxuu haystaa saf buuxa.

Dhinaca Brazil tababare Tite ayaa kulankan dhaawacyo ku waayaya daafacyada garbaha ee Danilo iyo Alex Sandro si lamid ah Neymar.

ADVERTISEMENT

Alex Telles iyo Dani Alves ayaa garbaha daafaca dheeli doona, Ederson ayaa goolka kusoo bilaabanaya halka labada daafac dhexe yihiin Bremer iyo Militao.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Fabinho iyo Bruno Guimaraes ayaa labada khad dhexe kusoo wada bilaabanaya iyadoo Rodrygo No.10 dheelayo halka saddexleyda weerar noqonayaan Antony iyo Martinelli oo garbaha ah iyo Gabriel Jesus oo weerarka dhexe ah.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Cameroon (4-3-3): Epassy; Fai, Castelletto, Nkoulou, Tolo; Hongla, Anguissa, Kunde; Aboubakar, Choupo-Moting, Toko Ekambi

Brazil (4-2-3-1): Ederson; Alves, Militao, Bremer, Alex Telles; Fabinho, Bruno Guimaraes; Antony, Rodrygo, Martinelli; Gabriel Jesus

ADVERTISEMENT

Xogaha Kulanka

Tartanka: koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Lusail Stadium

Garsoore: Esmail Elfath (USA)

Serbia v Switerland

Serbia oo hal dhibic leh isla markaana rajadeeda koobka aduunku hoosayso ayaa kahor tagaysa dhigeeda Switerland oo saddex dhibcood leh isla markaana xataa barbardhac kusoo bixi kara.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Tababare Dragan Stojkovic ayaa la filayaa inuu markale Dusan Vlahovic keydka dhigo isagoo Mitrovic weerarka kusoo bilaabaya, Dusan Tadic iyo Sergej Milinkovic Savic ayaa weerarka ka caawin doona Mitrovic.

Dhinaca Switerland waxay rajaynayaan inay kulankan dib u helaan weeraryahanka ruug caddaaga ah ee Xherdan Shaqiri oo seegay kulankii Brazil.

Balse weeraryahan Noah Okafor oo sidoo kale seegay ciyaartii Brazil ayuu shaki ku jiraa fursadiisa, bedelka kaliya ee tababare Yakin ku samayn karo Switzerland ayaa ah inuu Shaqiri ku bedeli Fabian Rieder.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Switerland (3-4-2-1): Vanja Milinkovic-Savic; Milenkovic, Velijkovic, Pavlovic; Zivkovic, Maksimovic, Lukic, Kostic; Sergej Milenkovic-Savic, Mitrovic, Tadic

Switzerland (4-2-3-1): Sommer; Widmer, Akanji, Elvedi, Rodriguez; Freuler, Xhaka; Shaqiri, Sow, Vargas; Embolo

Xogta Kulanka

Tarranka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Stadium 974

Garsoore: Fernando Rapallini (Argentina)

Share267Tweet167
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.