Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

HORDHAC: Belgium v Morocco – Red Devils Oo Gudbi Kara, Xaalada Romelu Lukaku, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
November 27, 2022
0
HORDHAC: Belgium v Morocco – Red Devils Oo Gudbi Kara, Xaalada Romelu Lukaku, Shaxaha & Xogaha Kulanka

Xulka Belgium ayaa iska xaadirin kara wareega 16-ka koobka aduunka haddii ay guul gaadhaan kulanka ay maanta la ballansan yihiin dhigooda Morocco.

ADVERTISEMENT

Dhinacooda Morocco ayaa u baahan guul kaddib markii ay barbardhac goolal la’aan ah kulankoodii ugu horreeyay lasoo galeen Croatia.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Belgium waxa markale ka maqnaan doona weeraryahan Romelu Lukaku oo uu tababare Martinez sheegay inuu si fiican usoo kabanayo balse diyaar u ahayn kulankan.

ADVERTISEMENT

Batshuayi oo kulankii hore goolka guusha ka dhaliyay Canada ayaa markale hoggaamin doona weerarka halka Dendoncker markale saddexda daafac dhexe kala soo muuqan doono Toby Alderweireld iyo Jan Vertonghen.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Castagne iyo Carrasco ayaa markale garbaha daafaca kaga soo hormari kara Thomas Meunier iyadoo Youri Tielemans iyo Witsel khadka dhexe dheelayaan.

Dhinaca Morroco waxa kulankii Croatia ka dhaawacmay Noussair Mazraoui oo shaki weyni ku jiraa haddii uu ciyaartan diyaar u noqon doono.

Yahya Attiyad-Allah ayaa kusoo bilaaban kara bedelka Mazrazoui, Roman Saiss iyo Nayef Aguerd ayaa daafaca dhexe ku midoobaya iyadoo Achraf Hakimi daafaca midig dheelayo.

Boufal iyo Ziyech ayaa garbaha weerarka kasoo muuqan kara markale iyagoo weerarka ka caawinaya En-Nesyri halka saddexleyda khadka dhexe noqonayaan Amrabat, Ounahi iyo Amallah.

ADVERTISEMENT

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dal

Belgium (3-4-2-1): Courtois; Dendoncker, Alderweireld, Vertonghen; Castagne, Tielemans, Witsel, Carrasco; Hazard, De Bruyne; Batshuayi

Morocco (4-2-3-1): Bono; Hakimi, Aguerd, Saiss, Attiyat-Allah; Amrabat, Ounahi; Amallah, Boufal, Ziyech; En-Nesyri

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Garoonka: Al Thumama Stadium

Wakhtiga: 4:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Cesar Ramos (Mexico)

Share259Tweet162
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.