Xulka Belgium ayaa caawa bilaabanaya koobka aduunka sanadkan 2022 xilli uu midkii ugu dambeeyay ee 2018 booska saddexaad kaga soo dhammaystay isagoo waliba wado aad u adag wakhtigaas maray.
Xiddigaha lagu naanayso jiilka dahabiga ah ee Red Devils ee mar usoo wada kacaamay ee ay ugu horreeyaan Eden Hazard, Kevin De Bruyne, Romelu Lukaku iyo Thibaut Courtois ayaa helaya fursad lagu sifayn karo midoodii ugu dambaysay ee ay koob aduun ku hanan karaan.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Thorgan Hazard iyo Romelu Lukaku ayaa labaduba dhaawacyo kaga maqnaanaya kulankan Belgium, Courtois ayaa doorka goolka kusoo bilaaban doona,
Vertonghen, Alderweireld iyo 19 sano jirka Zeno Debast ayaa daafaca dhexe ee Red Devils kusoo wada bilaaban kara iyadoo ay garbaha daafac weerar dheeli karaan Carrasco iyo Thomas Meunier.
Tielemans iyo Axel Witsel ayaa lamaanaha khadka dhexe noqon kara iyadoo uu ka horreyn doono Kevin De Bruyne halka ay Eden Hazard iyo Batshuayi weerarka dheeli doonaan.
Canada ayaa ka werwersan taam ahaanshaha kulankan ee daafaceeda bidix ee Alphonso Davies oo haddii uu diyaar yahay garabka midig ee weerarka uga dheelaya xulkiisa.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Belgium (3-4-2-1): Courtois; Alderweireld, Vertonghen, Debast; Meunier, Tielemans, Witsel, Carrasco; De Bruyne, E Hazard ; Batshuayi
Canada (3-4-3): Borjan; Johnston, Vitoria, Miller; Buchanan, Eustaquio, Hutchinson, Adekugbe; Davies, Larin, David
Xogta Kulanka
Tartanka: Koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Janny Zikazwe (Zambia)
Garoonka: Ahmed Bin Ali Stadium