Horyaalka Premier League ayaa maanta dib u bilaabmaya kaddib mudo Koobka aduunka lagaga maqnaa, Arsenal oo hoggaanka horyaalka mudadaas haysay ayaa kamida kooxaha isla maanta ciyaaraya.
Gunners ayaa soo dhawayn doona kooxda ay London wada degaan ee West Ham United kulan ay ku doonayaan inay siddeed dhibcood si kumeel-gaadh ah hoggaanka ugu sii qabtaan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Dhaawaca weeraryahan Gabriel Jesus ayaa hadal hayn badan dhaliyay isagoo wiiqaya weerarka Arsenal balse tababare Mikel Arteta ayaa la filayaa inuu Eddie Nketiah kalsoonidiisa siiyo.
Martinelli iyo Bukayo Saka ayaa garbaha kusoo bilaaban doona halka Arteta xaqiijiyay in Emile Smith Rowe oo dhaawac kasoo kabtay uu seegayo kulankan caawa.
Sidoo kale Arsenal waxa ka maqnaan doona Reiss Nelson oo ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee Juventus, waxa shaki ku jiraa taam ahaanshaha Takehiro Tomiyasu iyo Oleksandr Zinchenko halka uusan Arteta xaqiijin haddii uu William Saliba kulankan kusoo bilaaban doono.
Dhinaca West Ham tababare David Moyes ayay xiddigo badani ka maqnaan karaan waxaana kamid ah labadiisa weeraryahan ee Michail Antonio iyo Gianluca Scamacca.
Sidoo kale daafacyada Nayef Aguerd iyo Cresswell ayuu shaki wayni ku jiraa halka Kurt Zouma gabi ahaanba maqan yahay taas oo ka dhigan in Craig Dawson iyo Ogbonna daafaca dhexe kusoo wada bilaaban karaan.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Tierney; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
West Ham (4-2-3-1): Fabianski; Johnson, Kehrer, Dawson, Emerson; Soucek, Rice; Fornals, Paqueta, Benrahma; Bowen
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Michael Oliver