Kooxda hoggaanka Premier League haysa ee Arsenal ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Newcastle United oo booska saddexaad kaga jirta hoggaanka horyaalka.
Gunners ayaa guul ay gaadhaan tobban dhibcood oo saafi ah ugu qaban kara hoggaanka balse Magpies oo qudhoodu sanadkan loolanka ku jira ayaa hortaagan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Mikel Arteta ayaan dhaawacyo cusub kaga cabanayn Arsenal kulankan kahor, Emile Smith Rowe ayaa kursiga keydka soo fadhiisan kara kaddib mudo dheer oo uu maqnaa halka Gabriel Jesus iyo Reiss Nelson markale maqnaan doonaan.
William Saliba oo eedaymo badan kula kulmay bandhigyadiisii tan iyo kaddib Koobkii aduunka ayaa la filayaa inuu booskiisa ceshado markale isagoo Gabriel Magalhaes ka garab dheelaya.
Zinchenko oo kulankii ugu dambeeyay ee Brighton ciyaaray ayaa markale booska daafaca bidix kaga soo hormari kara Kieran Tierney.
Callum Wilson ayaa la filayaa dhinaca Newcastle inuu shaxda asaasiga ah kusoo laabto isagoo Chris Wood booska kala baxaya.
Sidoo kale Saint-Maximin ayaa booska kala bixi kara Joe Willock taas oo sababi karta in Joelinton uu khadka dhexe ku noqdo.
Magpies ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Alexander Isak, Jonjo Shelvy, Matt Targett, Emil Krafth iyo Paul Dummett
Shaxaha Macquulka Ah
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel Magalhaes, Zinchenko; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Newcastle United (4-3-3): Pope; Trippier, Schar, Botman, Dan Burn; Longstaff, Guimaraes, Joelinton; Almiron, Wilson, Saint-Maximin
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Wakhtiga: 10:45 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Andrew Madley