Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

HORDHAC: Argentina v Netherlands – Hammiga Messi Oo Imtaxaan Adag Maraya, Oranje Oo Hortaagan, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha

by Apdihakem Omer Adam
December 9, 2022
0
HORDHAC: Argentina v Netherlands – Hammiga Messi Oo Imtaxaan Adag Maraya, Oranje Oo Hortaagan, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha

Xulka aadka loogu hadal hayo koobka aduunka sanadkan ee Argentina ee uu hormoodka u yahay Lionel Messi ayaa tijaabadoodii ugu adkayd ilaa haatan tartankaas caawa la ballansan Netherlands.

ADVERTISEMENT

Oranje iyo tababare Louis Van Gaal ayaa doonaya inay ka aarsadaan La Albiceleste oo ahaa dalkii Semi Finalka koobka aduunka ku reebay sanadkii 2014.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Dhinaca Holland waxa shaki yari ku jiray taam ahaanshaha Stefan De Vrij oo soo kabtay walow aan la filayn inuu booska kala baxo xiddigaha asaasiga ka ah daafaca dhexe ee Oranje ee Van Dijk, Timber iyo Ake.

ADVERTISEMENT

Frankie De Jong iyo De Roon ayaa la filayaa inay khadka dhexe kusoo wada bilawdaan halka Steven Bergwijn markale keydka u gali doono Memphis Depay.

Sidoo Kale Akhri

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

February 7, 2023
WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

February 7, 2023

Dhinaca Argentina macalin Lionel Scaloni ayaa rajaynaya inuu dib u helo Papu Gomez iyo Angel Di Maria oo midkoodna kulankii Australia dhaawac ku gaadhay midkoodna gabi ahaanba seegay.

Julian Alvarez ayaa markale No.9 kusoo bilaaban kara bedelka Lautaro Martinez, sidoo kale Rodrigo De Paul oo shaki ku jiray taam ahaanshihiisa ayay u badantahay inuu diyaar u noqdo kulankan.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Netherlands (3-4-1-2): Noppert, Timber, van Dijk, Ake; Dumfries, de Roon, de Jong, Blind; Klaassen; Depay, Gakpo

ADVERTISEMENT

Argentina  (4-3-3): Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Acuna; De Paul, Fernandez, Mac Allister; Alvarez, Messi, Gomez

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Lusail Stadium

Garsoore: Antonio Mateu (Spain)

Share298Tweet186
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Arsenal ayay macquul tahay inay markale xiddig muhiim ah ka dalbato Brighton iyadoo markan diiradeedu haysyo garabka weerar ee Kaoru...

WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Saaxiibta khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frankie De Jong ayaa markeeda ka qayb qaadatay wararka jacaylkeeda sida joogtada ah...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.