Boos laga banaysanayo wareega siddeed dhammaadka koobka aduunka ayaa miiska saaran kulanka caawa dhex maraya xulalka Argentina iyo Australia.
Argentina ayaa 1 kaga soo baxday Group ay la wadaagaysay Saudi Arabia, Mexico iyo Poland halka Australia 2 kaga soo gudubtay Group-kii ay kula jirtay France, Denmark iyo Tunisia.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tababare Lionel Scaloni ayaan la filayn inuu isbedelo badan ku sameeyo shaxdii uu Poland kaga hortagay, Tagliafico ayaa daafaca bidix ka bedeli kara Acuna.
Dhinaca weerarka ayuu Julian Alvarez oo shabaqa Poland taabtay markale shaxda asaasiga ah kaga soo hormari karaa Lautaro Martinez.
Rodrigo De Paul, Enzo Fernandez iyo Alexis Mac Allister oo si fiican kulankii hore u wada ciyaaray ayaa markale khadka dhexe kusoo wada bilaaban kara.
Si lamid ah sida Argentina, tababare Graham Arnold ayaan isaguna dhaawacyo ku qabin xulkiisa wuxuuna kusoo dagaal tagi karaa shaxdii uu badi soo adeegsaday wareegii Group-yada.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Argentina (4-3-3): Emiliano Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Tagliafico; De Paul, Enzo Fernandez, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez
Australia (4-1-4-1): Ryan; Karacic, Souttar, Rowles, Behich; Mooy; Leckie, Irvine, McGree, Goodwin; Duke
Xogta Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Ahmed Bin Ali Stadium
Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)