Xiddiga xulka qaranka Morocco ee Achraf Hakimi ayaa soo jiitay indhaha dunida kaddib guushii uu xulka dalkiisu shalay ka gaadhay Belgium, markaas oo uu hooyadii ugu tegay dusha sare ee garoonka oo uu sujuudda ka dhunkaday, waxaana la arkayay iyadoo hooyadii ilmaynaysa.
Achraf Hakimi oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid ka hor intii aan amaah loogu dirin Borussia Dortmund oo laba sannadood oo uu u ciyaaray uu kusoo bandhigay hibadiisa ciyaareed, ayaa waxa ay Real Madrid kasii iibisay Inter Milan oo iyaduna isku sii dhaafisay PSG oo ay lacag badan kaga iibiyeen.
Hakimi oo ka mid ah difaacyahannada midig ee ugu wanaagsan dunida waqtigan, ayaa waxa markii uu xulka dalkiisu guusha ka gaadhay Belgium ee ay yeesheen afarta dhibcood, waxa uu la hadlay saxaafadda, waxaana wax laga weydiiyey dareenkii qiirada lahaa ee ay isaga iyo hooyadii muujiyeen markii ay ciyaartu dhamaatay.
24 jirkan ayaa sheegay in hooyadii ay guryaha usoo nadiifin jirtay dadka si ay ugu soo hesho raashin iyo wax ay cunaan, aabbihiina uu dariiqyada alaabooyinka ku iibin jiray, sidaas darteedna ay nolol adag soo mareen, waxaanu yidhi: “Hooyaday guryaha ayay soo nadiifin jirtay. Aabbahayna waddooyinka ayuu wax ku iibin jiray. Aniga kubadda cagtu riyo ayay ii ahayd iyo naf huris aan iyaga u samaynayay, walaalladay ayaan wax walba u huray.
“Waxa aanu ahayn kuwo aad sabool ah oo aad u liita, haddana iyaga ayaan u dagaallamayaa.”