Celeste oo ah hooyada dhashay halyeygii Brazil ee Ronaldo ee laba maalmood ka hor geeriyooday, waxay dhowaan u dabbaal-degtay sannad-guuradii 100aad ee dhalashadeeda, laakiin arrinta layaabka leh waxay tahay in aanay ogeyn illaa hadda in uu dhintay wiilkeedii Pele.
Maria Lucia do Nascimento oo uu dhalay Pele ayaa xannaanaysa, gacantana ku haysa ayeeydeed Celeste oo 100 jir ah, waxaanay sheegtay, in iyadoo qoyska oo dhan ay murugaysan yihiin oo ay ku mashquulsan yihiin geerida Pele, in haddana aanay Celeste ogeyn in uu wiilkeedu dhintay.
Maria Lucia do Nascimento oo warbaahinta la hadashay ayaa tidhi: “Indhaha ayay furtay markii aan magaciisa sheegay, waxayna tidhi, ‘Waynu u ducaynaynaa isaga’, laakiin miyirkeedu taam ma ahayn markii ay sidaas lahayd.”
Pele oo ku geeriyoodaya cusbitaalka Albert Einstein Hospital ee ku yaalla magaalada Sao Paulo maalintii khamiista kaddib xanuunka kansarka oo uu muddo u jiifay oo qaybo badan oo jidhkiisa ah ku faafay, ayaa la aasi doonaa toddobaadkan.