Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Hishiisyadii La Dhameystiray Maanta Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Caawa

by Saed Mohamed
January 3, 2023
0
Wargaysyada

Manchester united ayaa dalab 60 milyan euro ka gudbin doonta weeraryahanka Faransiiska Randal Kolo Muani sida ay sheegayaan wararka.

ADVERTISEMENT

Waxaa shaki weyn la gelinayaa mustaqbalka xiddiga ee kooxdiisa Jarmalka ee Eintrach Frankfurt.

Kolo Muani ayaa dhaliyay shan gool islamarkaana caawiye ka noqday 10 gool kale kulamadii uu saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa sheegeysa in United ay xiiseyneyso 24 jirkaan islamarkaana ay lacag qaali ah kula soo wareegi doonto bishaan.

ADVERTISEMENT

AC Milan ayaa sidoo kale muddo dheer xiiseyneysay weeraryahanka halka Bayern Munich la filayo inay u dhaqaaqi doonto saxiixiisa.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Manchester United ayaa sidoo kale tartan ugu jirta saxiixa Dusan Vlahovic.

Juventus ayaa kaliya weeraryahanka Serbia la soo wareegtay bishii Janaayo ee sannadkii la soo dhaafay iyagoo Fiorentina uga soo iibsaday 81.6 milyan euro.

Mudadii uu joogay kooxda Talyaaniga wuxuu dhaliyay 16 gool 36 kulan uu saftay tartamada oo dhan.

ADVERTISEMENT

Laakiin warbaahinta Talyaaniga ee Calciomercato ayaa qoreysa inuu mar kale dhaqaaqi doono iyadoo United ay baadigoob ugu jirto weeraryahan cusub.

Chelsea iyo Newcastle United ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ku jiraan tartanka saxiixa laacibkaan.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Wararka ka imaanaya Portugal ayaa sheegaya in hishiiskii Enzo Fernandez uu ugu wareegayay Chelsea in la dhameystiray oo kaliya ay ka harsan tahay in lagu dhawaaqo.

Chelsea ayaa mar sii horeysay hishiis shaqsi ah la gaartay Enzo Fernandez halka ay sidoo kale miiska soo saareen lacagta lagu burburinayay qandaraaskiisa Benfica ee 105 milyan ginni laakiin caqabada waxay aheyd sida ay Chelsea ku bixin karto lacagta.

Blues ma dooneynin inay lacagta hal mar wada bixiso, waxayna wararku sheegayaan in haatan lagu hishiiyay in Chelsea ay seddex jeer kala bixiso lacagta taas bedelkeedana ay hishiiska ku darto 10 milyan euro oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦♦

Chelsea iyo N’Golo Kante ayaa dib u bilaabay wadahadaladii la xiriiray qandaraas kordhinta iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo bisha Juun.

Xaalada ayaa isbedeshay ka dib bilo ay hakad galeen wadahadalada.

Kante ayaa haatan doonaya inuu mushahar dhimis sameeyo madaama uu jecel yahay kooxda.

Wuxuuna rajeynayaa inuu sii joogo Stamford Bridge. Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay inay haatan boqolkiiba 50 tahay in Kante uu sii joogo Blues.

Hishiisyadii la dhameystiray maanta:

Screenshot 2023 01 02 131100

Daafaca dhexe ee Croatia Dejan Lovren ayaa ka tagay FC Zenit isagoo hishiis joogta ah ku wareegay kooxda Faransiiska ee Lyon.

Daaficii hore ee Liverpool ayaa qandaraas labo sannadood ah u saxiixay kooxda Faransiiska isagoo sii joogaya ilaa iyo xagaaga 2025ka.

Screenshot 2023 01 02 131242

Kasper Dolberg ayaa hishiis amaah ah ugu biiray kooxda Jarmalka ee Hoffenheim isagoo ka tagay kooxda Faransiiska ee Nice.

Kooxda Bundelsiga ka dhisan waxay qiyaar u leedahay inay si joogta ah u iibsato ciyaaryahanka xaagaaga soo socda.

Share646Tweet404
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.