Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Todd Boehly oo suuqii xagaaga dad badan kaga yaabsaday hammigiisa weyn iyo dhaq-dhaqaaqa badan ee uu ka sameeyay ayaa u muuqda mid aan wali joogsanayn.
Chelsea ayaa suuqii xagaaga la saxeexatay xiddigo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Kalidou Koulibaly, Marc Cucurella, Raheem Sterling, Aubameyang iyo Wesley Fofana oo lagu daray dhawr da’yar oo kale.
Haatan sida uu sheegayo wargeyska ugu xog-ogaalsan Germany ee The Bild, Blues waxay ku tashanayaan saxeexa weeraryahanka RB Leipzig iyo xulka France ee Christopher Nkunku.
The Bild ayaa sheegaya in Nkunku tijaabo caafimaad oo qarsoodi ah saxaafadun aysan ogaan uu u maray Chelsea dhammaadkii suuqii xagaagan.
Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in heshiiska Nkunku ee Leipzig yahay mid 52 Milyan oo pound lagu jabin karo wax dhib ahna aysan u arkin Blues lacagtaas.
Christopher ayaa xilli ciyaareedkii hore u ahaa mid khaas ah isaga oo kamid ahaa gool dhaliyayaasha iyo caawiyayaasha ugu sarreeya Yurub isla markaana abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka Bundesliga ku garaacay xiddigo laga xusi karo Robert Lewandowski iyo Erling Haaland.