Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

HESHIIS DHAN: Waqtiga Ay Real Madrid Heshiiska La Gelayso Kylian Mbappe Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
April 8, 2021
0
Mbappe Madrid

Real Madrid ayaa ugu dambayntii gacanta sare yeelanaysa, waxaanay u dhow dahay in ay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, kaas oo ay hadda soo baxayso faahfaahin heshiiska ay kula soo wareegayso.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaa xalay guul weyn gaadhsiiyey PSG isaga oo laba gool u dhaliyey ciyaartii ay 3-2 ku garaaceen Bayern Munich oo garoonkeeda joogtay, waxaana uu goolashan kusii darsaday saddexlaydii uu hore ugu bahdilay Barcelona wareeggii 16ka.

Mbappe Madrid

22 jirkan ayaa la sheegayaa in ay xilli ciyaareedkani noqon karo midkiisii ugu dambeeyey ee PSG, isla markaana uu xagaaga ka tegi doono iyadoo kooxdiisuna ay ku qasbanaan doonto in ay iibiso.

ADVERTISEMENT

Marka la gaadho bisha June, heshiiska uu Mbappe kula jiro PSG ayay kaliya ka hadhsanaan doonaan 12 bilood, waxaanay kooxda reer France ku qasban tahay in ay iibiso xagaaga si aanu bilaash ugaga tegin sannad kaddib.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Si kastaba, Wariyaha reer Spain ee Josep Pedrerol ayaa shaaciyey in Mbappe uu iman doono Madrid sida ugu dhakhsaha badan, waxaanu yidhi: “Hore ayaan u sheegay in hadafka Real Madrid uu yahay in ay lasoo saxeexato Erling Haalnad iyo Mbappe, waxaana labadoodaba soo raacaya David Alaba.”

Josep Pedrerol oo ka hadlayay barnaamij ka baxa telefishanka El Chiringuito ayaa intaa ku daray: “Aalaba ayaa ah kan ugu fudud ee ay lasoo saxeexanayaan, waanaynu arki doonaa Haaland haddii Dortmund ay ogolaanayso in ay iibiso xagaagan.

“Laakiin, waxaan ogahay in Real Madrid ay aad ugu kalsoon tahay in ay lasoo saxeexan doonto Mbappe marka loo eego Haaland.

“Waxay ila tahay in Mbappe uu waqtigan u fudud yahay in Madrid ay la saxeexato marka loo eego Haaland.”

ADVERTISEMENT

Ugu dambayntii waxa uu wariyahani sheegay in Mbappe uu xilli ciyaareedka dambe imanayo Madrid, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Mbappe uu xilli ciyaareedka dambe u ciyaari doono Real Madrid, waanaynu arki doonaa waxa uu heshiiskani dhaqaale ahaan u baahan yahay.”

Real Madrid ayaa Mbappe dartii u sadqayn doonta laacibka reer Brazil ee Vinicius Junior, sida uu rumaysan yahay Josep Pedrerol, waxaanu yidhi: “Waxaan ku darayaa in Vinicius uu wali yahay bartilmaameedka Leonardo. Waynu arki doonaa waxay Real Madrid samayso iyo waxa uu Vinicius ku fikirayo.”

Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.