Manchester City ayaa la filayaa inay gudaha toddobaadkan meel saarto saxeexa da’yarka khadka dhexe ee kooxda Velez Sarsfield ee Maximo Perrone.
19 sano jirkaas aadka loo qiimeeyo ayaa bishan ka qayb gali doona South American Cup-ka xiddigaha 20 sano jirada ka yar isagoo ku meteli doona xulka Argentina, kaddib tartankaas ayaa la filayaa inuu City ka dego.
Perrone ayaa ahaa mid ay isha ku hayaan kooxaha Premier League ee Wolves iyo Newcastle United si lamid ah Benfica balse City ayaa u muuqata kooxda ku guuleysatay.
Heshiiska uu Perrone ugu wareegayo Man City ayaa la filayaa inuu 6.5 Milyan pound ku qabsoomo, kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda koowaad ayuu bishii March ciyaaray halka uu goolkiisii koowaad ka dhaliyay kooxda ree Argentina ee Nacional ciyaar Copa Libertadores ahayd.
Kulankii koowaad ee xulka 20 sano jirada ka yar ee Argentina ayuu ciyaaray bishii March iyadoo uu ciyaarsiiyay Javier Mascherano oo ah tababaraha da’yartaas.
Perrone ayaa noqon doona xiddigii labaad ee ay Man City sanad gudihii kasoo qaadatay Argentina kaddib Julian Alvarez oo River Plate kaga yimid.