Chelsea waxay u dhaadhici lahayd khadka cas ee sagxadda u hoosaysa miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League haddii uu Graham Potter kula bilaaban lahaa xilli ciyaareedka, laakiin waxay hadda u mahad-celinayaan in uu labadii bilood ee u horreeyey tababare u ahaa Thomas Tuchel.
Dhibcihii uu Thomas Tuchel usoo hooyey ayaa Chelsea ay hadda ku joogtaa kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta, sida aanu idiinku hayno xogta iyo caddaymaha hoos ku qoran.
Chelsea ayaa shaqada ka caydhisay Thomas Tuchel oo lix kulan layliyey, waxaanay ku beddeleen Graham Potter oo 11 ciyaarood oo uu naadiga hoggaaminayay kaliya usoo hooyey 15 dhibcood taas oo ka dhigan in ay kaalinta 11aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta marka laga soo xisaabiyo maalintii Blues uu la wareegay Potter.
Waxa usii dheer in ay ka hadheen tartamada kale ee maxalliga ah ee Carabao Cup iyo FA Cup oo xalay ay Manchester City ku xasuuqday 4-0.
Dhibcaha ay ka heleen 11kaas ciyaartoy ee uu Graham Potter tababaraha u ahaa Chelsea, ayaa waxa uu ka dhigan yahay rikoodhkii ugu xumaa ee Blues ay ka samayso horyaalka muddo 30 sannadood ah.
Blues ayaa waxay muddadan xoogsadaan dhibco ka yar inta ay heleen kooxaha Fulham, Brentford, Crystal Palace iyo Leicester City, waxaanay sidoo kale kaliya afar dhibcood ka sarrayn lahaayeen Everton oo kaabiga u saaran inay u dhacdo heerka labaad.
Arrinta kale ee fadeexadda ah ayaa waxay tahay, in Chelsea ay 11kaas ciyaarood dhalisay 12 gool oo kaliya, waxaana kooxda kaalinta 13aad marka la eego tirada ay koox walba dhalisay tan iyo bishii September oo ah waqtigii la magacaabay Potter.
Xogta dhinaca gool-toogashada ayaa sidoo kale aad u liidata, waxaanay kaliya goolka ku toogteen 116 kubbadood oo 40 kaliya ay goolka ku aaddiyeen, waana kooxda kaalinta 16aad ee ugu gool-toogashada yar.
Newcastle United ayaa ah kooxda dhibcaha ugu badan xoogsatay tan iyo waqtigaas, waxaanay heshay 27 dhibcood, halka Arsenal oo naadiga labaad ah ay iyaduna urursatay 26 dhibcood iyo Manchester United oo kooxda saddexaad ah oo 23 dhibcood heshay, halka Man City ay 22 dhibcood ka heshay 11 ciyaarood oo ay dheeshay tan iyo bishii September.
Liverpool ayaa shanaad ah oo 19 dhibcood ka heshay kulamadaas, waana sababta ay kaalinta lixaad ugaga jiraan miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.
Halkan kaga bogo xogta dhibcaha kooxaha horyaalka Premier League heleen tan iyo waqtigii la magacaabay Graham Potter